Hogaamiyayaasha Militariga ee Iran iyo Pakistan oo kulmay

0
103

Janaraal Asim Munir, oo ah Taliyaha Ciidanka Pakistan, ayaa u safray Tehran si uu ula kulmo Taliyaha Guud ee Ciidanka Iran, General Mohammad Hossein Bagheri, iyaga oo ka hadlaya arrimo badan oo khuseeya labada dal, oo ay ku jirto ballaadhinta xidhiidhka labada dal.

Xidhiidhka labada dal ayaa ahaa mid aan wanaagsaneyn, sababta oo ah Iran ayaa inta badan weeraro kaga iman jireen mintidiinta Pakistan.

War saxaafadeed ayaa lagu yidhi: “Talisyada ciidamada labada dhinac waxay isku raaceen in argagixisadu ay khatar guud ku tahay gobolka guud ahaan, gaar ahaan labada dal. Waxa ay wacad ku mareen in ay ka cidhibtirayaan khatarta argagixisanimo ee ka jirta aagagga xuduudka iyaga oo sirdoon wadaaga iyo tallaabooyin wax ku ool ah oo ka dhan ah shabakadaha argagixisada, ayna sahminayaan dariiqooyinka lagu wanaajin karo iskaashiga dhinaca amniga.”

Munir ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amire Abdolahain oo ay ka wada hadleen muhiimadda uu xidhiidhka labada dal u leeyahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

 

 

Leave a Reply