Lama Saadsado Belaayada!

0
201

Pop Star,waxa uu ahaa heesaa caan ah oo u dhashay dalka Romaniya. Ninkan oo da’diisu ahayd  29 sano ayaa isagoo gaadhigiisa ay ku wado gabadhiisa , taageerayaashiisa ugala xidhiidhiyay telefoonkiisa si life ah , wakhigaasi oo uu sigaarna cababya dabayaqadii sanadkii 2020.

Waxa uu dhegaysanayay miisiga ka caanka ah dalkaasi waxaana ay taageerayaashiisu kala socdeen muuqalka iyagoo marar badan ka codsaday inuu life usoo galo sida lagu daabacay wargeyska Mirror.

Kamarada ayaa laga arkayay  xaaskiisa oo waday gaadhiga oo markii ay isgoyska Ploesti ee ku yaalla gobolka Prahova ee dalkaasi ka gudbaysay dhinacayada iska eegaysa,.

Nasiib darro isla markaasi ayuu tareen aanay iska arkayn jiidhay, ninkeedu waa uu arkayay waxaana uu dhowr jeer ku qayliyay  “ ka joog tareenka” laakiin markiiba waxa soo gaadhay tareenka oo xawaare sare ku socday.

Waxaana halkaasi ku dhintay heesaaga Pop, iyadoo gabadhiisa 24 sano ahaydna uu dhaawac soo gaadhay. Waxase taageerayaashu aad ula yaabeen in geerida naxdinta leh bishii ka horaysay uu heesaagu, facebook uu leeyahay ku soo qoray farriinta ah :” “Maalin uun, ayuu tareen khaldani ku qaadi doona oo kugu tuuri doona meesha saxda ah.”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply