Walax weyn oo bir ah ayaa ku soo caariday xeebta galbeed ee Australia

0
90

Booliiska dalka Australia ayaa soo bandhigay Walax weyn oo u muuqaal eeg Haan aan la aqoonsan oo ku soo caariday xeebta Galbeedka Australia.

Walaxdan weyn ee birta ah ayaa waxaa ka helay dadka deegaanka xeebta Green Head, oo qiyaastii 250km (155 mayl) waqooyi kaga beegan magaalada Perth.

Maamulka gobolka iyo kan federaalka ayaa baadhaya shaygan oo aan la garanayn sida uu ku yimi.

Waxaa loola dhaqmayaa sidii mid halis ah, waxaana booliisku ay dadka ka codsadeen in aanay ku dhowaan oo u jirsadaan masaafo nabdoon.

“Waxaan rabnaa inaan u xaqiijinno bulshada inaan si firfircoon ugu hawlannahay dadaallo iskaashi oo aan la yeelanayno hay’adaha kala duwan ee gobolka iyo federaalka si loo go’aamiyo asalka shaygan iyo noociisa,” ayuu booliisku ku yidhi hadal uu soo saaray.

Kuwaas waxaa ka mid ah milatariga iyo wakaaladda hawada sare ee Australia.

Dadka deggan xeebta Green Head ayaa sheegay in walaxdan uu ballaciisu ahaa 2.5m iyo 3m oo dhererka ah,sida ay sheegtay warbaahinta dadweynaha ee Australia.

Dadka deegaanka ayaa soo booqday goobta habeenkii sabtida si ay u arkaan walaxdan, ABC ayaa ku warantay, iyada oo mid ka mid ah dadka deegaanka uu ku tilmaamay inay tahay arrin dadka deegaanku aad u hadal hayo.

Khabiir dhinaca duulista ah oo lagu magacaabo Geoffrey Thomas ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in shaygan uu ahaa haan shidaal oo laga soo tuuray gantaal ku dhacay badweynta Hindiya muddo 12 bilood laga joogo.

Wakaaladda hawada sare ee Australia ayaa sheegtay in ay suurtogal tahay in haantani ay ka soo dhacday gaadiidka ama gantaalaha hawada sare.

Haddii ay tahay haan shidaal, khubarada ayaa rumeysan in laga yaabo inay ka timid gantaal Hindi ah oo ay ku jiraan walxo sun ah.

Waxaa jira warar kale oo qiyaasaya in laga yaabo in haantani ay qayb ka ahayd Diyaaradii MH370 – oo lagu waayay meel ka baxsan xeebta galbeedka Australia 2014-kii oo ay saarnaayeen 239 rakaab ah – laakiin Mr Thomas wuxuu sheegay in aanay walaxdani ku jirin qaybaha diyaaradaha

“Qayb kama ah Boeing 777, xaqiiqaduna waxay tahay MH370 waxay luntay sagaal sano iyo badh ka hor, laakiin haantani way cusub tahay,” ayuu

Leave a Reply