Wasiirka Caafimaadka oo la kulmay Masuuliyiin ka socday Safaaradda Taywan

0
146

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL, Xasan Maxamed Cali Gaafadhi, ayaa xafiiskiisa ku qabiley wafti uu hoggaaminayo safiirka safaarada Taiwan Mr. Allen Luu iyo masuuliyiin kale oo ka socoda dalka Taiwan.

Kulankan ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka JSL Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasime Ku-xigeenka Cisbitaalka guud ee Hargaysa Dr. Cadnaan Cabdoo.

Kulanka waftiga iyo wasiirka ayaa qaatay sacaado badan, kaas oo lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha horumarinta adeegyada caafimaadka JSL.

Kulkani ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay horumarin iyo balaadhin lagu sameynayo cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana dib u habaynta iyo casriyaynta lagu sameynayo waxa Somaliland ka caawinaysa Taywan.

 

Leave a Reply