Xukuumadda Somaliland oo Agabka Naafada Gaadhsiisay Badhan

0
103

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland ayaa agab loogu talo galay dadka naafada gaadhsiisay qaar ka mida bulshada degmada Badhan.

Isu’duwaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada JSL ee degmada Badhan ayaa gaadiid kuwa naafada ah, ku wareejisay dadka baahiyaha gaarka ah qaba kuwaas oo bulshada u fududaynaya in halka ay rabaan ay ku gaadhaan isla markaana ay ku qabsadaan adeegyada iyo shaqooyinka kale.

Isu’duwe Marwo Shacni Dahable, ayaa sheegtay in wasaaraddu dadaal ugu jirto sidii daryeel loo siinlaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba, isla markaana gaadiidkan lagu wareejiyay uu ufududayn doono wax badan.

Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee lagu wareejiyay gaadiidkan ayaa sheegay inay fursad mihiima u tahay in maanta gaadiidkii dadka naafada loogu talagalay lagu wareejiyo, kaas oo u fududaynaya isu socodka iyo adeegyada mihiimka u ah nolosha.

Gaadiidkan kuwa naafada ah ayay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadu ugu talashay kor uqaadista Moralka dadka baahiyaha gaarka ah qaba, ayaa laga qaybiyay degaanada Hadaftimo, Badhan Xabaali-shaawacle, Laas-qoray.

 

 

Leave a Reply