Gudoomiyaha UCID oo Bogaadiyay Ciidamada Qaranka Somaliland

0
180

Hargeysa (Dawan)-Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa ciidamada Qaranka Somaliland ku bogaadiyay guusha ay ka gaadheen dagaalkii ay shalay ku soo qaadeen huwanta isa soo bahaysatay.

Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay in nimanka huwata ee dagaalka shalay ku soo qaaday ciidamada Qaranka JSL ee fadhigoodu yahay gobolka Sool, ay yihiin Hadhaadigi Digtayterkii Siyaadbarre.

Sidoo kale waxa uu xusay in weerarka ciidanka Qaranka lala beegsaday shalay uu ahaa mid xaqdarro ah.

Waxaanu sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka, waxaanu u dhigna sidan.

“Waxaan hanbalyo iyo boggaadin u diraya Ciidanka Qaranka JSL, ee guulaha isdaba jooga shalay ka soo hooyay weerarkii xaqdarada ahaa ee ee huwantii Hadhaga Afweyne ku soo qaadeen.

Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa ciidamada Qaranka Somaliland ku boggaadiyay guusha ay ka gaadheen dagaalkii ay shalay ku soo qaadeen huwanta isa soo bahaysatay.”

 

 

 

 

Leave a Reply