Cashuurta Boorama Waxay Dhisaysaa Magaalo Qurux Badan oo Nadiif ah” Madaxweyne ku Xigeenka JSL

0
209

Mudane Saylici oo ka Qayb-halay Xaflad Dawlada Hoose ee Boorama ay ku soo Bandhigtay Gaadiid iyo Qalab Cusub

 Borama (Dawan) Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Eng Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa daah-furay munaasibad lagu soo bandhigayay gaadiidka lagu dhiso jidadka oo golaha deegaanka Magaalada Borama ayaa soo iibsadeen.

Fagaaraha Khayriyada magaalada Borama ayaa lagu soo bandhigay gaadiid ka kooban Iskarogooyin, cagafta waddooyinka lagu dhiso iyo booyada daamurka lagu qaado, munaasibada bandhiga gaadiidkaasi oo uu madaxwayne ku xigeenka Somaliland daah-furayay ayaa waxa madasha ka soo qayb galay xubno ka kooban golaha wasiirada Somaliland, maamulka gobolka Awdal iyo ka degmada Borama iyo masuuliyiin kale.

Madaxwayne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil ayaa ku boggaadiyay golaha deegaanka degmada Borama qalabka cusub ee ay u soo iibiyeen si ay magaaladda ugu dhisaan, waxaanu kula dardaarmay mudanayaasha golaha deegaanka dagmada Borama inay gaadiidkaasi daryeelaan una dhiibaan cid tartan cadaaladeed ku soo baxa.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa waxa uu ganacsatada gobolka Awdal ugu baaqay inay cashuurta bixiyaan si wax loogu qabto.

Waxaanu yidhi “Golaha deegaanka oo runtii maanta taariikh muujiyay,inay qalabka inta le’eg hal mar soo iibsadaan oo ay keenaan, iyaga oo wada cusub oo aan la soo isticmaalin, haddii la daryeelana sidaasi la sheegay oo dadkeeda loo helo sahqayn doona labaatan sano ilaa sodon sano.”

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu boggaadiyay golaha degaanka ee degmada Borama.

Waxaanu yidhi.“Golaha deegaanka ee maayir Maxamed hogaaminayo, aad baan ugu hambalyaynayaa talaabada sharafta badan ee ku dhiirashada badan ee ay qaadeen, talooyinkaa maanta la yidhi waxaan jecelahay inay qaataan, waxaanay kaga nasiib badan yihiin dagmooyinka kale ee dalka wax ay haystaan laba tusaale oo ay ku dayan karaan Jaamacadda Camuud iyo shirkada biyaha ee Shaaba oo labaduba ku dedaalay waxa la yidhaa joogtaynta ama jiritaanka waaritaanka ku guulaystay in wixii loo dhiibo uu sidaasi u socdo muddo dhawr iyo labaatan sano ah.”

Saylici waxaa uu kula dardaarmay mudanayaasha golaha deegaanka dagmada Borama inay gaadiidkaasi daryeelaan una dhiibaan cid tartan cadaaladeed ku soo baxa.

Waxaanu yidhi.“Waa in baabuurtaasi quruxda badan leh sidaasi uu guddoomiye Saleeban sheegay waa in tartan loo gala, nin kasoo baxay meel oo la shiilay waa in uu u soo baxaa.

Wixii qaadhaan aad ku daraysaan ha danbeeyee ganacsatada waxaa leeyahay cashuurta bixiya, golaha deegaankana waxaan leeyahay cashuurtiina cidna ha uga habranina Sheekh iyo shariifa dadku ha u sinaado, cashuurta Borama waxa ay dhisaysaa magaalo qurux badan oo wadooyin leh oo nadiif ah.”

 

Leave a Reply