Waxaan Ballanqaadayaa in aan Isku Wado Golaha oo Danta Qaranka Meel uga soo Wada Jeedsanno”

0
151

Hargeysa (Dawan) Mareeyaha Dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa shalay Munaasibad hadhimo sharafeeda u sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon).

Munaasibadan Hadhimo Sharafeedka ee Mareeyaha Dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon ), oo ka qabsoontay Hutelka Dhoolayare ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH Maxamuud Xaashi Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon ), oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in uu isku wadi doono Xildhibaanada Golaha. “Waxa aan balanqaadayaa in aan isku wado golaha oo danta qaranka meel uga soo wada jeedsano, waxaana aan u mahadcelinayaa Mareeyaha dekedaha Siciid Xasan Cabdilaahi iyo inta ka soo qayb gashay casuumadan,” .ayuu yidhi Farotoon.

Mareeyaha Dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in qaranimo iyo Dimuqraadiyad muujiyeen Xildhibaanada Golaha Wakiilada.Waxaana uu yidhi”Waxa aan u mahadcelinayaa Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee muujiyay qaranimada iyo Dimuqraadiyadda,waxaana xafladani daarantahay in loo mahadceliyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada.mooralka Xildhibaanada ayaad ka garataa in ay la shaqayn doonaan Guddooomiyaha Golaha Wakiilada,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in aanay ceeb ahayn in Siyaasada lagu kala guulaysto.Waxaana uu yidhi “Waxa ay muujiyeen Xildhibaanada Golaha Wakiilada xilkasnimo iyo masuuliyad,waxa aan leeyahay dhamaantiin waad guulaysateen qaran keena ayaa guulaystay.ceeb maaha in siyaasada lagaaga guulaysto.laakiin waxa ceeba in aad garan waydo sababta lagaaga guulaystay iyo in aad garwaaqsan waydo guul daradaada.waxaana guuldarada Siyaasada laga bartaa casharo,”.

 

 

 

Leave a Reply