Guddoomiyaha Hay’adda Aafooyinka oo sheegay in ay Mudnaanta Koobaad’siiyaan Dadka Nugul

0
98

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Somaliland, Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in ururada bulshada iyo dadka nugul ay yihiin kuwa ay mudnaanta koobaadsiiyaan.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay mihiim tahay in markasta la iska xilsaaro sidii loogu gurmanlahaa, loona garab istaagilahaa dadka jilicdasan iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

Geesta kale waxa uu shaaca ka qaaday in laba boqol oo degaan in ka badan dadka ku nool ay siiyeen tababaro kala duwan.

Waxaanu yidhi.“Ururada bulshada iyo dadka nugul waa meelaha ugu mihiimsan ee aanu mudnaanta siino, marka aanu wax bixineyno ama cilmi baadhis sameynayno.

Mudnaan gaara ayay leedahay in haweenka, dadka nugul, dadka naafada ah, carruurta baahiyaha gaarka ah iyo dadka jilicdsan, waa kuwa markasta aanu gurmadkooda u taaganahay.

Anagu ka hay’ad ahaan waxa aanu tababaro kala duwan siinay in ka badan laba boqol oo tuulo oo kuyaala gudaha dalka”

Leave a Reply