Wasiirka Maalgashiga oo Ballan Qaad u Sameeyay Shacabka gobolka Awdal

0
299

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdi Cismaan Dhagaweyne ayaa shacabka gobolka Awdal u ballanqaaday in uu kala shaqayn doono horumarka kala duwan ee baaxadda leh ee ka socda Magaaladda Boorama. Sidoo kalena waxa uu aad u bogaadiyay golaha deegaanka magaalada Boorame.

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad Dawladda Hoose ee Degmadda Boorama ku soo bandhigaysay Gaadiid iyo Qalab cusub oo ay soo iibsatay. Qalabkaasi oo loogu tallo-galay dib-u-dhiska Wadooyinka halbawlaha ah ee magaaladda Boorama.

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaasi ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan:- “Maanta degmada Boorame iyo golaha deegaanka Boorame ba waxay u tahay farxad, waan baarigayaa waanan u hambalyaynayaa dhamaan golaha deegaanka Boorame, shacbiga reer Boorame-na waxaan leyahay wixii aad tabayseen maanta hortiina ayay yaalaan, anaguna markhaati ayaanu ka nahay hantida maanta hortiina taala ee halkaas ka muuqata, aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin golaha deegaanka Boorame.”

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa kale oo uu intaasi ku daray “Waxa ILLAAHAY mahadiis ah in Maayarka Boorame ay la joogaan oo ay garabtaagan yihiin maayaradii ka horeeyay oo waayo aragnimo iyo khibrad la garab jooga, waxa kale oo guul weyn u ah oo yimid badhasaab da’yar oo ay is fahmayaan, waana koox wada shaqayn kara anaguna aanu ku garab-taaganahay, waxaanan u ballan qaadaynaa in aanu la shaqaynayno”

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland sidoo kale waxa uu dardaaran u jeediyay shacabka reer Boorame oo uu kula dardaarmay in ay ilaashadaan qalabkaasi qiimaha badan ee loo keenay horumarinta degmada Boorame waxaanu yidhi “Waxaan ku dardaarmayaa in qalabkaasi loo helo halkii la dhigayay ee lagu xafidayay, dhammaantiin masuuliyad ayaa idinka saaran, waa inaad ka ilaashataan ka dhagaxa ku tuuraya, waa wax aad idinku leedihiin ee maaha wax ay dawladdu hoose leedahay, hadday xumaadaana waa wax idinka idinka xumaaday sababta oo ah waxaa lagu soo iibiyay lacagtii la idinka qaaday.”

 

 

 

Leave a Reply