Baarlamaanka Ghana oo u codeeyay in la baabi’iyo ciqaabta dilka

0
244

Baarlamaanka Ghana ayaa u codeeyay in la baabi’iyo xukunka dilka ah, isaga oo ku biiray liiska dalalka Afrikaanka ah ee sidan oo kale sameeyay sannadihii u dambeeyay.

Dalka waxaa hadda ku xukuman 170 rag ah iyo lix dumar ah, kuwaas oo xukunkooda hadda lagu bedeli doono xabsi daa’im. Dilkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay 1993-kii.

Xukun dilka ahi wuxuu ahaa mid sharci ka ahaa dalkaa. Haatan sahannada ra’yigu waxay soo jeedinayaan in badi dadka Ghana ay oggolaadaan baabi’inta.

Sannadkii hore toddobo qof ayaa lagu xukumay dil toogasho ah Ghana – laakiin midna laguma fulin. Danbiga khiyaamo qaran ayaa sidoo kale isna lagu xukumaa dil dalkaa.

Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga dambiyada waxaa soo gudbiyay MP Francis-Xavier Sosu waxaana uu taageero ka helay guddiga baarlamaanka ee dastuurka, sharciga iyo arrimaha baarlamaanka.

Urur olole fadhigiisu yahay London, Mashruuca Ciqaabta Dilka (DPP), ayaa kala shaqeeyay Mr Sosu sidii sharciga wax looga beddeli lahaa.

Bayaan ay soo saartay DPP ayaa lagu sheegay in Ghana ay tahay waddankii 29-aad ee Afrika ah ee baabi’iya ciqaabta dilka, waana dalka 124-aad ee caalamka.

Sanadihii la soo dhaafay dowlado badan oo Afrikaan ah ayaa baabi’iyay ciqaabta dilka, oo ay ku jiraan Benin, Central African Republic, Chad, Equatorial Guinea, Sierra Leone iyo Zambia.

“In la baabi’iyo ciqaabta dilka waxay ina tusinaysaa inaynu go’aansanay bulsho ahaan in aynaan noqon kuwo ka baxsan bini’aadantinimada, ilbaxnimada, xidhxidhan, dib-u-dhac iyo mugdi ah.

Waxa uu intaa ku daray in tani ay dhabaha u xaadhi doonto bulsho xor ah oo horumarsan taas oo ka tarjumaysa “dareenkeena guud ee ah in xurmada noloshu ay tahay lama taabtaan”.

 

 

 

Leave a Reply