Ra’iisal wasaaraha Hindiya Modi oo wajahaya codka kalsoonida ee baarlamaanka

0
137

Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa lagu wadaa in xukuumada uu wajaho codka kalsoonida ee baarlamaanka xili ay jiraan is mari waa mucaaradka iyo xukuumada ah oo ku saabsan rabshadaha ka taagan gobolka Manipur.

Xildhibaan ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Congress-ka ayaa mooshin kalsooni kala noqosho ah u gudbiyay Arbacadii.

Hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa sheegay in tani ay tahay mid lagu qasbayo Mr Modi inuu ka hadlo waxa ka socda gobolka Manipur.

Waxa ay ka dalbanayeen in uu baarlamaanka ka hor jeediyo dagaalka qoomiyadaha ku salaysan ee socda gobolka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee federaalka Amit Shah ayaa u sheegay aqalka hoose ee baarlamaanka – horaantii isbuucaan in dowladdu ay diyaar u tahay inay ka hadasho rabshadaha Manipur wuxuuna ku eedeeyay mucaaradka inay ka hortagayaan arrintan.

Ugu yaraan 130 qof ayaa lagu dilay tobanaan kun oo kalena way ku barakaceen Manipur tan iyo bishii May ka dib markii ay rabshado ka dhex qarxeen kooxda Meitei ee ku badan gobolka iyo qabiilka laga tirada badan yahay ee Kuki. Rabshadaha ayaa meel xun gaadhay, todobaadkiu horena, muuqaal ayaa ruxay Hindiya, markii la soo badhigay laba haween oo ka socda Qoomiyada Kuki oo uyaga oo la qaawiyey lagu soo bandhigay socod, iyaga oo ay hayaan kooxo budhcad ahi. Waxa ka dhashay cadho iyo cambaareyn caalami ah.

Mr Modi oo ka aamusnaa waxa ka socda gobolkaa ayaa inuu jebiyo aamusnaantiisa wuxuuna sheegay in dhacdadani ay “ceeb ku tahay Hindiya” wuxuuna sheegay in kuwa weerarka geystay aan la badbaadin doonin.

Waa markii labaad oo xukuumadda Mr Modi ay wajaheyso mooshin kalsooni kala noqosho ah tan iyo markii ay xukunka qabatay sanadkii 2014-kii.

Sanadkii 2018, xildhibaan ayaa mooshin ka keenay arrinta ku saabsan in gobolka la siiyo maqaam gaar ah. Waxaa laga adkaaday dood 12 saac qaadatay.

Mooshinka kalsoonida lagala noqon karo kaliya ee aqalka hoose waxa la aqbali karaa haddii ugu yaraan 50 xildhibaan ay taageeraan.

Marka la aqbalo, guddoomiyuhu wuxuu ku dhawaaqi doonaa taariikhda codaynta 10 maalmood gudahood.

Hadii ay dawladu awoodi waydo in ay cadayso aqlabiyada ay leedahay waa in ay is casishaa.

Arbacadii, laba mooshin ayaa laga keenay xildhibaanno ka tirsan xisbiga Congress-ka iyo Bharat Rashtra Samithi – kii ugu horreeyay waa la aqbalay.

Afhayeenka Om Birla ayaa sheegay in uu ku dhawaaqi doono maalinta ay dooddu dhacayso kadib marka ay hadlaan madaxda dhammaan dhinacyada.

Xisbiga Bharatiya Janata ee Mr Modi kama welweli doono inuu lumiyo codka – xisbiga iyo xulafadiisa ayaa aqlabiyad cad ku leh 543 xubnood ee aqalka hoose.

Balse ra’iisul wasaaraha ayaa laga doonayaa inuu hadlo si uu u difaaco xukuumaddiisa, taas oo ah hadafka mucaaradka.

Mucaaradka ayaa “lagu qasbay inay dhaqaajiyaan mooshinka kalsooni kala noqoshada maadaama uu ahaa hubkii ugu dambeeyay”, hogaamiyaha Congress-ka Manickam Tagore ayaa sidaas yidhi.

 

Leave a Reply