Wasaaradda Diinta oo Mideysay Direyska Madaarista Quraanka Kariimka lagu barto

0
348

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta Awqaafta JSL ayaa shalay sirasmiya shaaca uga qaaday in ay midaysay dirayska Madaarista lagu barto Qur’aanka Kariimka ah, waxaaney maamulayaasha ku amartay ardaydu Dirays isku mida soo wada qaataan.

Cabdixakiim Maxamed Muuse oo ah agaasimaha madarasadaha iyo wecyigalinta wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland, ayaa sheegay in Dirayska ardayda Madarasaduhu maanta laga bilaabo yahay dhaqangal, waxaanu uga mahadceliyey maamulayaasha amarkaas fuliyey, halka sidoo kalena fariin uu u direy maamulayaasha Madarasadaha aan wali fulin go’aankaas wasaaraddu soo saartay.

Sidoo kale waxa uu ku wargeliyay Madarasadaha diidada amarka lagu mideynayo Direyska in talaabo ku haboon ka qaadi doono.

Sidoo kale agaasime Cabdixakiin waxa uu sheegay in direyska madaariista dalka ee la mideeyey uu noqon doono, Midabka Buluug Maareega, sidoo kale midabka casaanka ahna ay qaadan doonaan carruurta wali aan gaadhin da’da lagu Madaarista, amarkan ayay wasaaraddu hore u soo saartay.

Gaba-gabadii qaar ka mid ah maamulayaasha Madarasadaha Qur’aamka Kariimka ayaa soo dhaweeyey go’aanka wasaaradda.

 

Leave a Reply