Borama oo lagu Qabtay kulan lagu Gorfaynayo Qorshaha Magaaladaas

0
177

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta JSL, Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile, ayaa dowladda hoose ee degmada Borama kala shiray dhammeystirka qorshe magaaleedka magaaladaasi.

Kulanka wasiirka iyo maamulka dowladda hoose ee degmada Borama oo ka qabsoomay xafiiska duqa degmada Borama, waxa goob joog ka ahaa, maayirka, maayir ku xigeenka golaha degaanka, xoghayaha fulinta dowladda hoose, agaasimaha waaxda nashqadaynta magaalooyinka ee wasaaradda howlaha guud, isu duwaha wasaaradda hawlaha guud ee gobolka Awdal iyo hawl wadeenada wasaaradda u qaabilsan dhulka degmada Borama.

Agaasimaha waaxda naqshadeynta Magaalooyinka ee wasaaradda hawlaha guud iyo isu duwaha wasaaradda ayaa wasiirka warbixin ka siiyay qorshaha magaalada iyo halka uu marayo iyo caqabadihii ka hor yimid, waxaaney sheegeen in ay jiraan caqabado u baahan in wax laga qabto, sidoo kalena qorshaha magaaladu hadda meel fiican marayo.

Gaba-gabadii wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile, ayaa balanqaaday in uu saxayo wixii khalad farsamo ahaa ee ku yimid qorshe magaaleedka magaalada Borama, waxaanu dowladda hoose ee degmada Borama u balanqaaday in uu si fiican ugala shaqayn doono adeega qorshaha magaalada.

Leave a Reply