Wasiirka difaaca Ruushka booqasho tegay Kooriyada waqooyi

0
190

Wafdi ka socda Ruushka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Sergei Shoigu ayaa gaadhay Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu biiraan wafdi ka socda Shiinaha oo halkaa laga sugayo.

Waxa ay ka qaybgali doonaan dabbaaldegyada Pyongyang ee sannad-guuradii 70-aad ee ka soo wareegtay dhammaadka dagaalkii Kuuriya, oo sida caadiga ah lagu xusay dhoola-tusyo ciidan oo aad u ballaadhan.

Booqashadani ayaa ah tii ugu horreysay ee lagu tago Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii uu waddanku xidhay xudduudihiisa masiibadii Covid 19 ka dib.

Ma cadda in tani ay muujinayso isbeddel ku yimi siyaasadaha xuduudaha ee Pyongyang.

Kuuriyada Woqooyi ayaa horraantii 2020 ka xidhay dhammaan xidhiidhkii ganacsiga iyo dibloomaasiyadeed ee ay la lahayd Ruushka iyo Shiinaha, kuwaas oo ah saaxiibada dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee ugu waaweyn.

Waxay xitaa joojiyeen soo dejinta badeecadaha muhiimka ah sida cuntada iyo daawada.

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa soo food saartay cunto yari , ay u dheeraayd  xidhnaanshihii xuduudeeda iyo cunaqabateyn adag oo caalami ah oo lagu soo rogay barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Falanqeeyayaasha qaarkood ayaa qaba in martiqaad ergooyinkan Shiinaha iyo Ruushka ah ee dhoolatuska “Maalinta Guusha” taas oo tan iyo sanadkii 1953-kii ahayd mid maxalli ah ay muujineyso suurtagalnimada dabcinta xayiraadaha Covid.

Waxay ku soo beegantay toddobaadyo ka dib markii warbaahinta dawladda lagu soo bandhigay sawirada dadka Kuuriyada Waqooyi oo wareegaya iyaga oo aan waji xidhnayn.

Wafdiga Ruushka ee uu hoggaaminayo Mr Shoigu ayaa gaadhay Kuuriyada Waqooyi gelinkii dambe ee shalay, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay laamiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Pyongyang.

Waxa uu hor maray safaf askar ah oo salaam siinaya iyo roog cas oo ay ku xardhan yihiin ereyada, “ku soo dhawoow.

Wafdiga Shiinaha ee imanaya waxaa hogaaminaya Li Hongzhong, oo qayb ka ah guddiga dhexe ee siyaasadda ee xisbiga Shuuciga Shiinaha, sida uu sheegay afhayeenka xisbiga.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa labaduba muddo dheer xulafo la ah Kuuriyada Waqooyi.

Beijing waxay ciidan u dirtay dayrtii 1950 si ay u taageeraan Kuuriyada Waqooyi dagaalka ka dhanka ah Kuuriyada Koonfureed. Midowgii Soofiyeeti ee xilligaas ayaa sidoo kale ku taageeray Kuuriyada Waqooyi dagaalka.

Tan iyo burburkii USSR ee 1991, Ruushku wuxuu u ahaadaa xulafada dabiiciga ah ee Waqooyiga Kuuriya sababtoo ah way neceb yihiin Maraykanka. Washington ayaa, dhab ahaantii, ku eedaysay Kuuriyada Waqooyi in ay Ruushka ka caawisay dagaalka ka socda Ukraine, taas oo Pyongyang iyo Moscow labaduba ay beeniyeen.

Booqashada Mr Shoigu ayaa sidoo kale ka soo horjeeda xiisadda juqraafiyeed ee sii kordheysa ee u dhaxeysa Maraykanka iyo Ruushka ee dagaalka Ukraine. Xidhiidhka u dhexeeya Beijing iyo Washington ayaa sidoo kale burburay Taiwan awgeed.

Mareykanka ayaa isku dayay inuu la hadlo Pyongyang ka dib markii askari Mareykan ah Travis King u baxsaday Kuuriyada Waqooyi todobaadkii hore.

 

Leave a Reply