Jaamacadda Togdheer oo ku Biirtay Ururka Jaamacadaha Adduunka

0
284

Burco: (Dawan):- Jaamacadda  Togdheer Universi ty ayaa ku biirtay oo  ka mid noqotay ururka caalamiga ah ee Jaamacadaha Adduunka isla markaana xubin buuxda ka noqotay ururkaas.

Guddoomiyaha Jaamacadda Togdheer Prof Cabdinaasid Cabdilaahi Xaaji Siciid oo wargeyska Dawan uga waramay waxay uga dhigan tahay in ay ku biiraan ururka Jaamacadaha adduunka ayaa sheegay in ku biirista Jaamacadda Togdheer Universaty  ee  ka mid noqoshada ururka Jaamacadda adduunka in ay tahay guul u soo hoyatay guud ahaan Somaliland isla markaana ay wax wayn ka tarayso xidhiidhka caalamiga ah ee Jaamacadda iyo in ay ardayda Jaamacadda iyo macalimiintuba ay heli karaan waxbarasho iyo tababarro caalami ah.

 

Waxaa kale oo uu iftiimiyay in Jaamacadda Togdheer Universaty in ay u taagan tahay horumarinta aqoonta iyo waxbarashada bulshada Somaliland isla markaana ay sannad kasta qaataan arday danyar ah oo ay siiyaan waxbarasho bilaash ah kuwaas oo ka so jeeda qoysas danyar ah oo aan awoodin in ay iska bixiyaan waxbarashada.

Guddoomiye Cabdibaasid oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi.

“waa fursad wayn oo usoo hoyatay guud ahaan bahda waxbarashada Somaliland iyo gaar ahaan jaamacadda Togdheer iyo bahda waxbarasahda Togdheer waxay ka dhigan tahay in aynu fursad u helno jaanisyo caalami ah oo ay ardayda macalmimiinta iyo maamulkuba ay ku tayaynayaan aqoonta,waxaa ka mid ah in ay ardaydu heli doonaan kaalmo waxbarasho oo caalami ah, oo ay ka heli doonaan kumannaan ku midaysan dalladan Jaamacadaha adduunka ee ay Jaamacaddu ka midka noqotay,  oo ay ardaydeedu waxbarasho lacag la,aan ah ku tegi doonaan macalimiinteedu tababaro ka heli doonaan iyo waliba wixii taageero maaliyadeed ama khibrad ah oo ay jaamacadda ka soo geli doonaan.”

Guddoomiye Cabdibaasid oo la waydiiyay in ay jiraan Jaamacado kale oo Somalilnad ah oo ku jira dallada Jaamacadaha adduunka ayaa yidhi. “ogaalkay waxaanu nahay jaamacaddii ugu horraysay ee Somaliland eek u biirta waxaanu wax wayn ka tari doonaa albaabkaa Jamacadda Togdheer ay u furtay aqoonta Somaliland tayaynta waxbarashada iyo illaa aqoonsiga Somaliland oo gole caalami ah oo kumannaan Jaamacadaha adduunka ahi ay ku midaysan yihiin oo magaceenu ku jiro taas lafteeda ayaan ahayn wax yar.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay siday uga qayb qaataan waxbarista ubadka aan qoysaskoodu awoodin in ay lacagta Jaamacadaha ka bixiyaan dhaqaale ahaan,ayaa ku jawaabay. “sannadkasta waxaanu bixinaa tiro badan oo deeq waxbarasho ah oo aanu siino ardayda ka soo baxa dugsiyada saree e dalka ee aan awood dhaqaale qoysaskoodu u lahayn in ay daboobaan lacagta Jaamacadda muhiimadduna maaha in aanu dhaqaale ku doonayno Jaamacadda ee waa in aanu umaddayada wax kusoo kordhino oo aanu soo saarno aqoonyahanno bulshada iyo dalkaba anfaca oo waxtara taas anaan aaminsannahay in aynu wax ku noqonayo oo aynu meel ku gaadhayno.”

 

 

 

Leave a Reply