Dagaalkii Ukrain: Moscow oo mar kale lagu weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

0
143

Dhisme ku yaalla caasimadda Ruushka ee Moscow ayaa markii labaad laba maalmood gudahood lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn, sida uu sheegay duqa magaalada Sergei Sobyanin.

Dhowr ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa la soo riday habeen hore, ayuu yidhi, laakiin “mid ka mid ah ayaa soo gaadhay Daar ku taal dhismaha magaalada Moskva” ee Axaddii hore sidan oo kale loo beegsaday.

Wejiga muraayadda dhismaha ayaa burbur soo gaadhay balse lama soo sheegin wax dhaawac ah.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa ku eedeysay Ukraine inay ka dambeysay weerarkii ugu dambeeyay. Kyiv inta badan wax faallo ah ka bixiso arrimahan.

Sidoo kale Ukraine wax jawaab ah kama aanay bixin hadal ka soo baxay Ruushka Salaasadii oo ahaa in saddex doonyood oo Ukraine ah oo aan cidina wadin ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan maraakiibta ciidamada badda ee Ruushka ee jooga badda madow la burburiyay.

Duqa Moscow ayaa sheegay in “weerarku uu burburiyey in ka badan 150 sq m oo muraayado ah”.

Laba diyaaradood oo kale oo laga leeyahay Ukraine ayaa lagu soo riday nidaamka lidka diyaaradaha meelo kale oo ka tirsan gobolka Moscow, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay, iyada oo sheegtay inay fashilisay “Weerar Argagixiso”.

Gegida dayuuradaha ee Vnukovo ee Moscow ayaa sidoo kale muddo kooban la xidhay, wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa sheegay.

 

Leave a Reply