Golaha wakiillada oo la Xisaabtamay 122 Masuul oo ka tirsan Dowladda Somaliland

0
151

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed Axmed Gacma-dheere, oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in labadii sano ee ay golaha joogeen ay u yeedheen 122 ka mida masuuliyiinta dowladda, taasina ay tahay isla xisaabtan weyn.

Sidoo kale xildhibaan Gacma-dheere, waxa uu sheegay in ay ansixiyeen 12 xeer oo mihiim u ah bulshada iyo Qarankaba, waxaanu intaas ku daray in golaha ay wax badani u qabsoomeen mudadii uu joogay ee labada sano ahayd.

Geesta kale waxa tilmaamay in ay yihiin golihii u horreeyay ee wax ka baddel iyo kaabis ku sameeya Miisaaniyada dowladda.

Waxaanu sidan ka sheegay wareysi uu siiay Muuqbaahiyaha MM Somali, kaas oo kaga waramay guulo badan oo golahoodu gaadhay mudadii ay joogeen.

Waxaanu yidhi.“Labadii sano ee goluhu joogay shaqooyin fara badan ayaa u qabsoomay, goluhu waa gole xeer dajineed, waana gole la xisaabtama xukuumadda iyo matelaad shacab.

Golaha 12 xeer ayaa ka baxay labadii sano ee aanu imika joognay, waxaana ku jira xeerar aad u mihiim ah, xeerarkana aanu meel marinay waxa ka mida xeerka Caymiska, xeerka qaxoontiga iyo magangeliyo doonka, xeerka xuquuqda caruurta, xeerka sahaminta shidaalka.”

Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed Axmed Gacma-dheere, kana mida mudanayaasha golaha wakiillada JSL, ayaa sheegay in labadii sano ee ay golaha joogeen ay u yeedheen 122 ka mida masuuliyiinta dowladda, taasina ay tahay isla xisaabtan weyn.

Waaanu yidhi.“Xagga la xisbaatnka xukuumadda 122 masuul ayuu goluhu la kulmay, marka masuuliyiinta tiradoodu intaas le’eg tahay ee dowladda looga yeedhay waa isla xisaabtan weyn,”

Geesta kale waxa tilmaamay in ay yihiin golihii u horreeyay ee wax ka baddel iyo kaabis ku sameeya Miisaaniyada dowladda.

Waxaanu yidhi.“Ka gole ahaan waxa aanu golihii ugu horreeyay wax ka baddel ku sameeya miisaaniyada, xeerkuna waxa uu na siinaya in aanu nidhaahno madaxyada miisaaniyadu sidan ayay u kala mihiimsan yihiin,”

“Geesta kale xagga matelaada shacabka xildhibaano ka tirsan golaha ayaa ka qayb qaatay xalinta shaqaaqo ka dhacday degaanka Cali Saahid, si nabadgelyo iyo xasilooni ay ugu noolaadaan bulshadii soo dooratay, marka ka gole ahaan shaqa kasta oo Qaranku leeyahay diyaar  ayaanu u nahay in aanu buuxino, 12 xildhibaan oo mucaarid iyo muxaafidba leh ayaa ka qaybgalay xalinta shaqaaqadii ka dhacday degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer,”Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed Axmed Gacma-dheere.

 

 

Leave a Reply