Ciqaabtii Beentu Sababtay!

0
260

Wakhtigii uu Ruushka ka talin jirtay nidaamka boqortooyada ayaa la sheegay in Taajkii dahabka ahaa ee boqortooyadu lin uu umay, ka dib markii safar la galay. Dhamaan ciidankii iyo dadkii Ruushka waxa ay raadinayeen Taajka boqortooyada ee muhiimka ah.

Nin aan xanuunka dhimirka qaba u dhashay dalka Holand ayaa dadkii weydiiyay waxa ay dadkan oo dhami raadinayaan?. Dadkii ayaa ugu sheegay inay raadinayaan taajka Boqorka oo lumay.

Ninkaasi maskax ahaan aan dhamayn ayaa ku yidhi :” Tajka anigaa helay oo haya”. Dadkii waxa ay bilaabeen inay ciidanka gaadhsiiyaan warkaasi muhiimka ah si ilaalada boqortooyadu ninkaasi ugu yimaadeen oo Taajka dahabka ah loogu celiyo boqorka.

laakiin markii ay ciidaanka ilaalada boqorku u yim  aadeen waxa uu sheegay inay beentii ahayd oo aanay jirin haba yaraatee wax Taaj ah oo uu helay. Ilaalada boqortooyadu ninkaasi warkiisa aad ayay uga cadhoodeen waana ay qabteen oo isla markiiba waa ay gubeen isagoo nool. Dembiskiisana waxa ay sheegeen inay ku daadiyeen dhinaca dalka Poland.

 

Leave a Reply