Filimada Cabsi Gelinta Caalamka!

0
214

Filimada Maraykanka intooda badani waa farsamooyin lagu muujiyo laguna soo bandhigo awoodda dhaqaale, xoog iyo siyaasad ee uu leeyahay dalkaasi.  Filimadaasi waxa ay qaybweyn ka qaataan cabsi gelinta dalalka kale ee dunida dhinacyada sirdoonka, tirada iyo tayda hubka ciidanka, iyo xeeladaha dagaal ee ay adeegsan karaan ciidanka Maraykanku.

Filimada ayaa yaab ku abuura quluubta dadka daawada, kuwaasi oo u arka in Maraykanku uu yahay dawlad aanay jirin dal iska celin karaa, oo xataa aan la soo hadal qaadi Karin, in ay jirto mid u dhigantaa. Sidaa awgeed waa ay yar yihin dunida dalal danihiisa ka hor yimaadda, iyagoo ka baqda ciidanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo sirdooka xooggan ee USA.

Filimka lagu magacaabo “Mission: Impossible” waa filimka 16aad, ee ugu daawashada badan,  waxaana  ka soo xerootay dhaqaale dhan 3.5 bilyan. Filimkani waxa uu ka mid yahay kuwa lagu soo bandhigo awoodaha iyo sirdoonka xooggan ee Dawladda Maraykanka.

Masuul sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa la weydiiyay su’aal ah sababta uu Maraykanku uga adkaan waayay Dalka Afkhaanistan oo ka awood yar, ka dhaqaale yar, dadkiisuna aanay ahayn kuwo ilbax ah, oo aqoon leh?, Waxaana uu ku jawaabay sababtu waa iyaga oo dadka dalkaasi aanay daawan Filimada Maraykanka. Jawaabtaasi ayaa muujisay sida filimada Maraykanka loogu adeegsado cabsi gelinta dunida kale.

Taxanaha filimka “Mission: Impossible 7”, ayaa isaguna noqonaya filmkii 7aad ee, waxaana uu soo bandhigayaa sirdoonka yaabka leh ee dalkaasi.  Waa qeybtii toddobaad ee filimada taxanaha ah oo loo yaqaan ‘Mission Impossible’, Waxaana la qorsheeyay in la sii daayo November 19, 2021.

 

 

 

Leave a Reply