Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Tiro-Koobaysa Duur Joogta Dalka Ku Nool

0
138

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la tilmaamaa in ay ku nool yihiin noocyo aad u fara badan oo duur joog kala gedisan. Taasoo ku kala nool goboladda dalka ha ba u kala badnaadeene.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn tiro-koob na aan weli lagu samaynin tiradda, iyo noocyadda, duur joogta dalkeenna ku nool.

Hada na waxaa la rumaysan yahay in ilaa 17 nooc oo kala duwan oo duur joog ahi ay ku nool yihiin dalkeena, kuwaasoo ku kala filiqsan meello kala gedisan.

Si loo ogaado tiradda rasmiga ah iyo noocyadda duur joogta dalkeena ku nool ayaa dhawaan wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL waxay bilawday hawl gal lagi tiro-koobayo tiradda, iyo noocyadda duur joogta dalka ku nool.

Waxaana wasaaradda Deegaanka JSL xog ururintani ka gacan siinaysa jaamacadda Coloraado ee dalka Maraykanka, iyadoo na ay fulinayso waaxda duur joogta ee wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Shaqaalaha fulinaya hawsha tiro-koobka duur joogta oo loo kala diray goboladda dalka waxaa 30-kii bishii July ee ina dhaaftay kulan dar-daaran, iyo sagootin ah  hawl wadednadaasi qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Maxamed C/laahi Ducaale.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa kulankii uu agaasimaha guud la yeeshay shaqaalaha hawshaasi fulinaya, iyo dar-daarankii uu u jeediyay.

Waxaanu sheegay agaasime Maxamed C/laahi, in hawl wadeenadani ay xog ururinta ka soo samayn doonaan goboladda Awdal, Maroodijeex, Togdheer, iyo goobo ka tirsan gobolka Sanaag ba.

Agaasimuhu waxa uu xusay in marka xog la ururiyo ee xog sax ah la hello, in go’aan sax ah la gaadhi karo, isla markaana hawsha ay shaqaalahaasi qabanayaan ay tahay hawl ugaadheena khusaysa.

Maxamef C/laahi Ducaale, oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaad u baxaysaan inaad xog ka soo ururisaan goboladda Awdal, Maroodijeex, Togdheer, iyo goobo ka tirsan gobolka Sanaag ba. Waxaan doonayaa inaan idiin iftiimiyo, in marka xog la ururinayo, ee xog sax ah la hello, in go’aan sax ah la gaadhi karo, isla markaana hawsha aad qabanaysaan ay tahay hawl ugaadheena khusaysa.

Dalkeenu ugaadh fara badan buu leeyahay, sida ay warbixino hore xuseen, ugaadh kala duwan, oo 17 nooc ah ayaa dalkeenna laga helaa.  Waxaana laga yaabaa xogtan aad soo ururinaysaan in aad ku soo ogaataan noocyo kale oo ugaadh ah oo dalkeenu uu leeyahay.

Xogta saxda ah marka aynu inagu helno, mustaqbalka go’aamadda aynu qaadanayno way inaga caawinaysaa, inaga na kayd bay inoo tahay.

Inaga na kayd bay inoo tahay. Waxa kaloo ay xusaysaa ama inoo kala sheegaysaa noocyadda kala duwan ee ay ugaadhu kala yihiin, iyo dhibaatooyinka soo waajaha, meelaha ay ku kala nool yihiin. Waxyaabahaasi oo dhan na muhiim ayay u tahay. Haddii ay dhibaatooyin soo waajaheen.

Arrinka ugu muhiimsan ee aan idinka, idinku la dar-daarmayaa waxay tahay, shaqo waliba masuuliyad ayay leedahaye, in aad masuuliyadaasi ka soo baxdaan. Shaqaale dawladeed ayaynu nahay, oo xeer ayaynu ku shaqaynaa, xeerkaasina waxa uu ina farayaa in aynu si hufan shaqadeena uga soo baxno” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka oo hadalka sii watay ayaa xusay in xog ururintan lagu samaynayo duur joogta dalkeena ku nool in ay muhiim weyn leedahay.

Taasoo wasaarad ahaana gacan ka siinaysa xaaladaha, iyo duruufaha nololeed ee haysta duur joogta, iyo sidoo kale in ay macluumaad buuxa ay inagu caawin karaan ay ka helayaan dawladaha, iyo haayadaha caalamiga ah ee ay wasaaradda wada shaqaynta leeyihiin.

Kuwaasoo ay ugu horayso jaamacadda Colorado State University, ee dalka Maraykanka xog ururintani ka gacan siinaysa wasaaradda Deegaanka Somaliland, isagoo na agaasimuhu hawshaasi uga mahad celiyay jaamacadaasi.

Waxaanu yidhi “Waxaa laga yaabaa in la dhayalsado xog ururinta. Laakiin, waa muhiim xog ururintu. Waayo? go’aamadeena maanta, iyo kuwa mustaqbalkaba way inaga caawinaysaa.

Sidoo kale dadka aynu wada shaqaynayno, ee shaqo wadaaga aynu nahay, ee hawshan inagala shaqaynaya, oo jaamacadda Colorado State University, ay ka mid tahay, oo iyada na aynu u mahad naqayno, waxay dareensiinaysaa haddii shaqadii si fiican aynu u wada qabano, iyaga na Yidi-diilo ayay gelinaysaa, iyo niyad wanaag, iyo in iskaashi intan imika jirta mid ka weyn aynu samayno.

Colorado State University, runtii waa jaamacad weyn oo ayu doonayno in ay xagga soo saarista cilmi baadhista inagala shaqeeyaan, horena waanu ula hadal nay.

Laakiin, intan yari wuxuun bay tahay entry point ay wasaaradda ku soo galeen, in ay dedaallo badan inala galaan.

Sida aad ka war haysaan, dedaalkii ay waaxda Duur joogtu samaysay, midhihiisii waa la hayaa. 92 Harimacad ayaa imika Geed-deeble, jooga oo lagu ilaaliyaa. Waana tacabkii aad idinku waax ahaan samayseen.

Ugaadha masuuliyadda ilaalinteedda, qolooyin ayaynu heshiisyo kula jirnaa. Laakiin, ugaadha waa wax uu wadanku leeyahay, oo inaga ayaa leh, si fiican ayaanay hawshaasi u socotaa.

Ta labaad ee aan idinku dhiiri gelinayo, ama aan idin xasuusinayaa waxay tahay wacyigelintii guud ee ilaalinta deegaanka.

Waayo? Dhamaantiin wakiillo ayaad tihiin wasaaradda ka tirsan,  ee la xidhiidha in deegaanka la ilaaliyo. Sababtoo ah ugaadha oo keliya uma socotaan, balse deegaanka oo dhan ayaad u socotaan”.

Ugu danbayn agaasime Maxamed C/laahi, ayaa shaqaalaha hawsha xog ururinta samaynaya kula dar-daarmay in mudadda ay fulinayaan hawshaasi in ay sidoo kale  warbixintoodda ku soo daraan dhibaatooyinka haysta deegaanka, iyo duur joogta ba.

“Waxyaabaha hadhow ay warbixintu inoo sahlayso waxaa ka mid ah in meelaha aad u malaysaan in deegaanku khatar ku sugan yahay, iyo haddii aad aragtaan dad Dhuxulaysi, wadda, iyo hadaad aragtaan dad Seeraysi wadda, waxaas oo dhan masuuliyad baa idinka saaran.

Waayo? Deegaanku waa nolosheena runtii. Waxyaabo fara badan oo aynaan isbedelka cimiladda u aanayn Karin ayaa jira, oo inagu aynu Gacmaheena ku samaynay, oo dhibaatooyin deegaanka loo gaystay ah baa jira.

Taasina waxay u baahan tahay in aad doorkiinii ka qaadataan, masuuliyad na aad iska saartaan” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Leave a Reply