Garraadadda Sool aabeyaashood waxay ka mid ahaayeen raggii nabad-geliyadda Somaliland dhidibadda u taagay…” Wasiir Kaahin

0
196

“Dhalinyarooy haddii Quruxdiina iyo wakhtigiinu ku dhamaadaan Qabyaalad, waa nasiib darro…” wasiir Kaahin

Hargaysa (Dawan): Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay in nabad geliyo lagu soo dabaallo xaaladda ka taagan gobolka Sool.

Waxaanu tilmaamay in ay mar kastaba diyaar u yihiin in colaadda Sool soo af-jarideedda gacmaha la isku wada qabsado dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda reer Somaliland gaar ahaana madax dhaqameedka, Garraadada, dhalinyaradda, iyo aqoon yahanka ka soo jeedda gobolka Sool.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xusay im madax dhaqameedka reer Sool ay door weyn ka soo qaateen dhismaha Somaliland ilaa markii ay xornimadda ka qaadanaysay gumaystihii Ingiriiska, iyo dib u heshiisiintii beelaha xiligii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland.

Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku dheeraaday taariikh ahaan kaalintii Garraadadda reer Sool, ay ku lahaayeen Somaliland.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Laascaanood waxaynu ka taagan nahay in arrinteedda nabad-geliyo lagu dhameeyo, oo dhinaca xukuumadu iska taago, oo dhinaca madax dhaqameedku iska taagaan, oo dhinaca Waayeelka, iyo Dhalinyaradu iska taagaan.

Garraadadda Sool ee maanta jooga, aabeyaashood waxay ka mid ahaayeen raggii nabad-geliyadda Somaliland dhidibadda u taagay. Garraad Cali garraad Jaamac, oo raggii xoriyadda Ingiriiska ka keenay ka mid ahaa. Waxa kaloo uu ka mid ahaa afartii wasiir ee ugu horeeyay markii ay Somaliland xornimadda ka qaatay Ingiriiska, sanadkii 1960-kii.

Garraad C/qani, oo walaalkii ahi intaan Somaliland lagu dhawaaqin raggii arrimaha nabad-geliyadda ilaa Danood, ilaa Bali-gubadle, soo maray buu ka mid ahaa. Garraad Ismaaciil Guuleed, baa ka mid ahaa, suldaan C/salaan, baa ka mid ahaa”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hadal ka jeediyay xaflad soo dhawayn ahayd oo magaaladda Hargaysa loogu qabtay guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiiladda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Carrabka ku adkeeyay in ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin sidii arrinta gobolka Sool nabad-geliyo loogu soo dabaali lahaa.

Waxaanu ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Sool in ay xalinta colaadda Sool xukuumadda ku gacan siiyaan. Waxaanu yidhi “Somaliland waxay diyaar u tahay in ay arrinta Sool nabad-geliyo ku soo dabaasho. Waxaanan ka martiyaynaa, oo ugu baaqaynaa, Garraadadda, Waayeelka, iyo Waxgaradka gobolka Sool, in aynu arrintaa nabad-geliyadda isugu wada nimaadno”.

Geesta kale wasiir Maxamed Kaahin, ayaa guud ahaanba dhalinyaradda reer Somaliland kula dar-daarmay in ay doorkoodda ka qaataan arrimaha nabad-geliyadda dalka.

Waxaanu dhalinyarada ugu hogo-tusaaleeyay in iyagu mar kasta hormood ka yihiin horumarinta dalkoodda, sidoo kalena marka ay dagaaladu dhacaan in dadka ugu badan ee ku dhintaa ay yihiin dhalinyaradda.

Sidaas darteedna looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan mustaqbalkoodda, isla markaana ay ka fogaadaan qabyaaladda, iyo wax kastoo aan faa’iido u lahayn horumarka dalka, iyo mustaqbalkooda ba.

“Ummad waliba waxay korsataa waa dhalinyarada, mustaqbalka dadka leh na, waa dhalinyaradda. Hal shay waa xaqiiq jirta, oo waa la tijaabiyay, adduunyadan ma jirto meel lagaga macaashay, ama laga addeegsaday Qabyaaladda, oo horumar ka yimid na ma jirto.

Dhalinyaradiinani, haddii ay Quruxdiina, iyo wakhtigiinu ku dhamaadaan Qabyaalad, waa nasiib darro. Waxaynu u baahan nahay in xooga dhalinyaradu uu ka shaqeeyo nabad-geliyadda, iyo horumarka dalka” ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin.

Dhinaca kale wasiirka Daakhiliga JSL ayaa ka sheekeeyay doorkii shariifka ahaa iyo taariikhdii uu dib u dhiska Somaliland ka soo qaatay guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiiladda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, isagoona ku amaanay in xili lagu jiray marxalado adag inuu Faratoon, ka soo shaqeeyay dhismaha qaran-nimadda JSL.

Sidoo kalena uu hadda ku rejo weyn yahay inuu kaalin aad u weyn ka qaadan doono sidii nabad-geliyo loogu soo dabaali lahaa colaadda ka taagan gobolka Sool, isla markaana xukuumadda Somaliland, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu in ay arrintaa gavan ku siiyaan.

Waxaanu yidhi “Guddoomiye Yaasiin Faratoon, aad iyo aad buu nabadda uga soo shaqeeyay. Haddii aynu doonayno in aynu guddoomiye Faratoon, wax tarno, waa in aynu gidigeen ba kala shaqayno, oo ku garrab galno, in dagaalka Sool aynu nabad-geliyo ku soo dabaalno. Waxaanay ku xidhnaanaysaa in aynu gidigeenba xoogeena, iyo aqoonteena isku keenno.

Dabadeed na in aynu nabad-geliyadaa dadkeena dhexdiisa ka diyaarino. Dawladu na diyaar bay u tahay hawsha Sool, oo way gelaysaa. Waxaanan doonaynaa in asteena, iyo hal-ku-dhigeenu uu noqdo nabad-geliyo. Taasi ayaanu doonaynaa in aanu aad iyo aad xoogga u saarno”.

 

Leave a Reply