Guddoomiye ku-xigeenka Koobaad ee Golaha Wakiilada iyo wefti uu Hoggaaminayo oo Gaadhay Degmadda Gar-adag

0
158

Gar-adag (Dawan) Guddoomiye Ku-xigeenka KooBaad ee Golaha Wakiilada Somaliland  Siciid Mire Faarax (Giirre), iyo Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay Degmadda Gar-adag ee Gobolka Sanaag ,waxaana halkaa ku soo dhaweeyey maamulka iyo shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Weftiga Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiillada ayay ujeedada socdaalkoodu salka ku haysaa Daahfurka   Jaamacadda cusub ee Ibrahim Barre   ee degmada Gar-adag.

Geesta kalena, Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in degmada Gar-adag ay u yimaadeen furitaanka Jaamacada  Ibrahim Barre, taas oo manta  haddii ILLAAHEY yidhaahdo si rasmiya xadhiga looga jari doono.

Gaba-gabadii guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Golaha Wakiilada Somaliland Siciid Mire Faarax Giirre, ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada uga mahadceliyay  soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen,   waxaanu tilmaamay in weftigoodu u yimaadeen sidii masuuliyiinta iyo aqoonyahanka kala duwan ee munaasibadan ka qayb-gelaya ay ugu qaabili lahaayeen munaasibada, maadaama oo ay ka soo jeedaan deegaanka.

Leave a Reply