Dablayda Buurta Gacanlibaax ma,Jirto Reer ay Metelaan iyo wax aanu la Wadaagnaa,”.Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale Hurre.

0
246

Hargeysa(Dawan):-Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale Hurre ayaa Cambaareeyay falkii  dablayda  mudooyinkii ugu  dambeeyay  ku  dhuumaalaysanayay  buurta  Gacanlibaax ku qaafaasheen Baabuur ay lahayd  Hay,adda Hallo Trust.

Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale oo shalay la hadlay qaar  ka mid ah  Warbaahinta  ayaa sheegay in aanay jirin  reer ay metelaan jabhadda ku sugan buurta
Gacanlibaax,isla,markaana Xukuumadda ku gacansiinayaan in tallaabo laga  qaado.

Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale oo Arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxaan ka hadlayaa  niman jabhad sheegtay oo beryahan lagu sheegayay  Buurta  Gacanlibaax oo shalay  magaalada  Dabagorayaale ka  kaxaystay gawaadhi ay leedaahay hay,adda Hallo trust,waa  fal aad u xun waan  cambaaraynayaa haddaan  ahay  Suldaankii  deegaankaas.waan   waan ayaa socotay odayaal ayaa hawshaa ku jiray hadii lays maqli waayay oo waayeelnimadii shaqayn  wayday oo is maaalkiii shaqayn waayay.dawladda waxaan leeyahay hawshaada gudo,waanan garabtaagannahay dawladda  hadii  nimankaa jabhada  afar inan oo tahriibay ku xidhnaadeen dawladda ayay u taalaa  oo lagu  gacansiinayaa. mana  jirto  meel  Garxajis ku shiray oo tabasho  isku waydiiyay  jabhad iyo dagaal dawladda  lala  galo majirto,cidii  waxaas ku kacday iyada  ayay u gaar  tahay wax aanu la  wadaagnaa majirto doorashooyinka hadday  tahay Ururo tahay reero  looma  furin waxay u yaallaan  qaranka.majirto meel Garxajis isku  waydiiyay tabasho doorasho Jabhadaas reer iyo cid ay matalaan ma  jirto,”.

 

 

 

 

Leave a Reply