Hargeysa:Marxuum Xasan Ismaaciil Tuse oo Aas Qaran lagu Sagootiyay

0
93

Hargeysa (Dawan)  ALLE ha u naxariistee waxaa Aas Qaran shalay lagu sagootiyay Marxuum Fannaan Gaashaanle Dhexe Xasan Ismaaciil Mooge Uurcade   (Tuse), oo habeen hore ku   geeriyooday Hargeysa.

Marxuumka oo ahaa gaashaanle dhexe oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland ayay jinaasadda Aaskiisa ka qayb galeen Agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Xasan Cali Waji iyo masuuliyiin kale oo wasaaradda ka tirsan madax sare oo ka jirsan ciidanka booliska Somaliland,kooxaha fanka ee ciidanka booliska ee Goodir iyo Ciidanka Qaranka ee Gaashaan,culimo ay diin iyo dadweyne tiro badan  ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Marxuum, Fannaan Xasan Ismaaciil Mooge Uurcade   (Tuse), oo lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee waqooyiga magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta ayaa Aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen Janaasada, iyaga oo AALLE ay  uga baryeen samir iyo iimaan inuu  kasiiyo, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello.

Aaskan Qaran ee lagu sagootiyay  Marxuum Xasan Ismaaciil Mooge Uurcade   (Tuse) waxa  ka  qayb galay, agaasimaha waaxda dhaqanka, agaasimaha waaxda cududa shaqaalaha iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta,  Ehelada Marxuumka, fannaaniin, abwaano, saxafiyiin iyo dadwayne kale, kuwaas oo si qiiro leh uga hadlay shakhsiyadii Xasan Ismaaciil.

Marxuum Xasan Ismaaciil Mooge Uurcade   (Tuse), ayaa lagu xusuusan doonaa doorkii uu kulahaa fanka.

 

 

Leave a Reply