Kulan-hawleed Tababar lagu siiyey Dhallinyaradda u taagan arrimaha Deegaanka iyo Isbedelka cimiladda

0
196

Hargeysa (Dawan) Barnaamijka Geed Beer Rejo Beer iyo Xarunta Centre for Climate Change ayaa si wadajir u qabtay Kulan-hawleed tababar lagu siiyey Dhallinyaradda u dhaqaaqa arrimaha Deegaanka iyo Isbedelka cimiladda.

Tababbarkaas ayay ujeedadiisu ahayd sidii dhallinyarada loo bari lahaa ama ay wax uga ogaan lahaayeen isbadelka cilimilada, taas oo mudooyinkii u dameeyay caalamka oo dhan laga dareemaayay isbadel ku yimi.

Barnaamijka Geed Beer Rejo Beer iyo Xarunta Centre for Climate Change, ayaa sheegay in tabobarada noocan oo kale ahi yihiin kuwo ka mid ah dadaalka ku saabsan qiimaha dhirtu leedahay iyo sida loogu baahan yahay in bulshada qaybeheeda kala duwan loo fahansiiyo waxtarkeeda.

Qaar ka mida dhallinyaradii tababbarkaas qaadanaayay ayaa sheegay in ay ka faa’iideen casharo la xidhiidha waxa ay tahay cimiladu iyo siyaabaha isbdedlekeedu adduunka saamayn ugu yeeshay.

Leave a Reply