Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Ururada Siyaasadda oo ka wada Hadlay Xaaladda Dalka iyo Doorashooyinka

0
149

UCID iyo WADDANI oo noqday Gar diid aan doorasho diyaar u ahayn

Hargeysa-(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay kulan ujeeddadiisu ahayd dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka la yeeshay Madaxda ururada siyaasadda ee usoo baxay ka qayb galka tartanka Dooradashada Ururada iyo Axsaabta Qaranka oo u muddaysan in ay dalka ka qabsoonto bisha 12-aad ee sannadkan.

 

 

Kulanka, oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan madaxda Ururada siyaasadda ayaa diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu diyaar garoobi lahaa doorashada tartanka ururadda siyaasadda ee ay kusoo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee Tobanka sano ee soo socda, waxa kale oo laga wada hadlay sidii ay xasilooni ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyinku.

 

Kulanka ayaa kusoo beegmay   maalmo ka dib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi soo saaray wareegto uu ku dhaqangeliyey qabsoomidda doorashooyinka Ururada/xisbiyada qaranka ee dhamaadka sannadkan iyo doorashada Madaxweynaha ee sannadka dambe.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa kulan Martiqaad ah oo arrimaha doorashooyinka lagaga wada hadli lahaa ku marti qaaday Madaxda Xisbiyada Qaranka balse waxaa kulankaa ku gacan saydhay oo aan iman madaxda labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI oo xaalkoodu noqday doorasho diid dimuquraadiyadda lid ku ah oo aan kalsooni ku qabin codka bulshada Somaliland isla markaana ka war wareegaya in ay isu diyaariyaan in ay ka qayb galaan doorashooyinka kala dambeeya ee dalka.

 

 

 

Leave a Reply