Hargaysa: Culimo Ku Baaqay Adkaynta Amaanka iyo Wada Jirka Bulshadda

0
220

Hargaysa (Dawan): Qaar ka mid ah Culimaw-diinka Somaliland oo ka hadlay adkaynta nabad-geliyadda, iyo ilaalinta wada jirka bulshada jamhuuriyadda Somaliland.

Xubnahan culimadda ah oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa ugu baaqay dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland in meel looga soo wada jeesto ilaalinta amaanka.

Waxay fariin u direen dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland, iyo sidoo kale axsaabta qaranka. Iyagoo na ugu baaqay in la ilaaliyo midnimadda, iyo wada jirka bulshadda.

Sheekh Axmed Jaanbiir Guuleed, guddoomiyaha jamciyadda Aansaaru-diin, ahna agaasimaha waaxda shareecadsa ee wasaaradda Diinta, iyo Aw-qaafta Somaliland.

Waxaanu ugu baaqay shacabka in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabad-geliyadda. “Waa in si deg deg ah looga hawl gallo dedaaladda nabad-geliyadda. Haday tahay culimadda, ganacsatadda, madax dhaqameedka, iyo aqoon yahan kaba. Waana in dhamaanba lahu dedaallo ilaalinta nabad-geliyadda wadanka.

Fidnadu waa wax xun. Waana in la iska bakhtiiyo. Beryahan wax baa muuq muuqanaya, markaa waa in laga shaqeeyo midaynta, wada jirka, iyo isku-tanaasulkii aynu halkan ku soo gaadhnay.

Khilaaf baa jira, khilaafku na khayr ma keeno. Shar ayuun buu keenayaa. Wax wanaag ah ma keeno. Khayrka waxaa keena midnimadda, iyo isku-duubnidda” ayuu yidhi sheekh Axmed Jaambiir Guuleed.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Dhamaanba dhacabka xil baa wafa saaran. Cid gaar ah ma saarna ilaalinta nabad-geliyadu, dawladda xil gaar ahi kama saarna madaxnimo ayuun baa saaran. Mucaaridka na xil gaar ahi ma saarna, ee waa wayb qaranka ka mid ah.

Khal-khal uma baahnin, wax dadka kala kexeeya na uma baahnin. Waxaynu u baahan nahay isku-duubni, iyo tanaasul, midnimo”.

Geesta kale waxaa iyagna halkaa ka hadlay sheekh Khaliil Yuusuf Jaamac, sheekh Axmed Caabi, sheekh Ibraahim Diiriye, oo iyag na halkaa ka hadlay ayaa si isku mida iskaga daba maray qiimaha ay nabad-geliyadu leedahay.

Waxaanay sheegeen in ay waajib ku tahay guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland ilaalinta amniga dalka.

Culimadani ayaa Carrabka ku adkeeyay in nabad-geliyadu ay cid kasta dan u tahay, isla markaana dhamaanba dadweynaha, xisbiyadda mucaaradka ah, iyo ganacsatadda in looga baahan yahay in si wada jir ah loo ilaashado amaanka dalka.

 

 

 

Leave a Reply