Waxaan ugu Baaqayaa Dhalinyarada in ay ka Fogaadaan Wax Kasta oo Wax Yeelaya Nabedgalyada “

0
149

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa ugu baaqay dhalinyarada in ay ka fogaadaan wax kasta oo wax yeelaya nabedgalyada.

Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin wax xumaan lagu helayo,isla,markaana dalka horumarkiisu ku jiro nabedgalayada.

Cabdirashiid Caydiid oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa aan ugu baaqayaa dhalinyarada in ay ka fogaadaan wax kasta oo nabedgalyada wax yeelaya,ashkhaasta aadka u yar ee ku baaqaya in dhiigdaato yaan la maqlin.dawlada waa ku filantahay in nabedgalyada ilaaliso,wax xumaan lagu helayaana majirto.dadkan oo hore ayaa xumaan usoo dhex martay cid alaale cid ka faa,iiday majirto.dalka horumarkiisu waxa uu ku jiraan nabedgalyada”.

Sidoo kale Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa waxa uu tilmaamay in Maalinta bari la qaban doono xuska Maalinta Dhalinyarada aduunka.Waxaana uu yidhi”Waxa lagu qaban doonaa Caasimadda Hargeysa Xuska Maalinta Dhalinyarada aduunka oo ku beegan 12 bisha August Maalinta Sabtida,Caalamka oo dhan ayaana laga xusayaa Maalinta Dhalinyarada aduunka oo dhan Qaramada Midoobay ayaana isla,qaadatay Maalintan”.

 

Leave a Reply