Wasaaradda Caafimaadka Oo Soo Gabo-Gabeeyay Tababar Afar Maalmood Ka Socday Hargeysa Iyo Burco

0
119

Xubinta koobaad ee barnaamijkeeba caafimaadka todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO,  ayaa soo gabo-gabeeyay  tababar afar maalmood ka socday magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Tababarkan  ayaa mudadii uu socday lagu baray ka soo qaybgalayaasha  Xakamaynta iyo ka hortaga xannuunada faafa oo la siinayay qaar ka mida  hawlwadeenada Caafimaadka ee Hargeysa iyo Burco.

Tababarkan ayaa ahaa mid kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha ka hawl-gala qaarb ka mida xarumaha Caafimaadka ee  gobollada Maroodijeex iyo Togdheer,  oo loo qaybiyay laba qaybood waxaana lagu siinayay shaqaalaha Caafimaadka aqoon guud iyo Khibrado la xidhiidha sidii ay u maarayn lahaayeen ugana hortagi lahaayen Xanuunada Faafa.

Masuuliinta wasaaradda horumarinta Caafimaadka JSL iyo hay’adda Caafimaadka adduun WHO oo tababarkan soo gabo-gabeeyay ayaa shaqaalaha qaadana tababarkan kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan sidoo kalana dib ugu celiyaan aqoonta ay qaateen mudadii uu tababarkani socdo xarumihi caafimaad ee ay ka yimaadeen.

Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanayd sidii loo dhisi lahaa aqoonta shaqaalaha Caafimaadka ee ka hawl-gala xarumaha Caafimaadka,  sidoo kalena loo tayayn lahaa adeegyadda Caafimaad ee ay bixiyaan si xarumaha Caafimaadku u daboolaan baahiyaha Caafimaadka ee ay bulshadu u baahantahay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply