Toban Xanuun ama Cilladood oo lagu Daweeyo Midhaha Filfisha

0
324

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona toban ciladood oo lagu daweeyo Filfisha.

Filfisha waxaa loo yaqaannaa “black gold” oo macnaheedu tahay dahabka madow.

Waa mid ka mid ah xawaashyada ugu taariikhda fog, waxaana uu aadamuhu muddo dheer u isticmaali jiray cunno ahaan iyo dawo ahaan.

Filfishu keliya ma wanaajiso dhadhanka cunnada balse waxay kaloo xambaarsan faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin.

Filfishu asal ahaan waxa ay ka soo jeeda waddanka Hindiya.

Maanta dalka ugu badan ee soo saara filfisha waa wadanka Vietnam, 39% ayuu soo saaraa filfisha dunida laga isticmaalo, halka dalka Indonesia uu saaro 15%, waxaa ku soo xiga wadamada Brazil iyo India oo soo saara 10%.

Filfisha waxaa ku jirta maado loo yaqaanno “Piperine” oo ah tan u samaysa dhadhankeeda kulul, sida oo kale, maadadan ayaa sabab u ah faa’idooyinka tirada badan ee filfishu ay xambaarsan tahay.

Peperine waaa sunsaare awood leh taas oo yareysa halista cudurrada raaga sida xanuunka xannibo xididada ee loo yaqaanno “atherosclerosis”, cudurada wadnaha iyo cillada maskaxda.

Cunno shiidista iyo caafimaadka mindhicirrada:

Filfishu waxa ay ka shaqaysiisa aashitada caloosha ee loo yaqaanno “hydrochloric acid”, taas oo caawisa cunno shiidista iyo in jidhku uu cunnada kale si fiican u nuugo.

Sida oo kale waxay yareysaa raaxa darrada iyo hawada ku uruurta midhicirrada.

Difaaca jidhka:

Filfishu waxay awood siisaa difaaca jidhka, in difaaca jidhkaagu uu xoogganaado waxa ay kaa ilaalinaysaa xanuunada.

Walxaha filfisha ku jira waxa ay xoojiyaan unugyada dhiigga cad, taas oo jidhku uu u adeegsado la dagaallanka bakteeriyada iyo fayraasyada.

Sunsaarista:

Sunta oo jidhka ku badataa waxa ay keentaa cillado badan oo caafimaad, waxaa lala xidhiidhiyaa hurka, cimri degdega, wadne xanuunka iyo noocyo cudurka kansarka ka mid ah.

Filfishu waxa ay leedahay awood sunsaaris, waxayna ka hortagtaa dhaawaca ay suntu u geysan karto xubnaha jidhka.

Kobcinta shaqada maskaxda:

Daraasado dhowr ah oo lagu sameeyay xayawaan, waxaa lagu arkay in maadada “piperine” ay hagaajiso xasuusta.

Si gaar ah waxaa la arkay in faa’ido u leedahay astaamaha la xidhiidh cudurrada maskaxda sida cudurka Alzheimer iyo laleemada.

Daraasad lagu sameeyay aadamaha waxa ay iftiimisay in uu xidhiidhka ka dhexeeya cudurka Alzheimer iyo heerka maadada “piperine”

Miisaan dhimista:

Filfisha waxaa ku badan maadooyinka “phytonutrients” oo burburiya unugyada dufanka sameeya.

Hargabka:

Filfishu waxa ay u wanaagsan tahay hargabka iyo ifilada.

Waxa ay soo saartaa xabka iyo duufka keena qufaca iyo hindhisada badan, sidaas awgeed waxaa haboon in dadka hargabka qaba ay cabaan maraq ama shaah filfil leh.

Nafaqo:

Filfishu waxa ay hodan ku tahay walxo faa’ido ugu jirto caafimaadka sida maadooyinka “piperine” iyo “chavicine”.

Sida oo kale, waxaa ku jira maadooyin jidhka sunta ka saara sida flavonoids, saliid iyo “phenols” kuwaas oo unugyada ilaaliyo, caafimaadka dheefshiidkana kor u qaada.

Waxa kale oo filfisha ku jira macdano iyo fitamiinno ay ka kid yihiin, fitamiin K, fitamiin A, fitamiin E, fitamiin B1, fitamiin B2, fitamiin B5, manganese, xadiid, potassium, calcium, phosphorus iyo zinc.

Macdanta “Manganese” ee ku badan filfisha waxa ay caawisaa caafimaadka lafaha, bogsashada dhaawacyada iyo habka dheefsiga cunnada ee jidhku uu kaga faa’idaysano nafaqada.

Xigasho: W/Q: Xirsi Axmed

Leave a Reply