Hargeysa: Dawlada Hoose oo 100 Qoys ka Rartay Agagaarka Dhaamka Daami

0
159

Hargeysa (Dawan) Dawlada Hoose ee Caasimadda ayaa shalay ka rartay boqol qoys oo daganaa agagaarka Dhaamka daami degmada Gacanlibaax ee Magaalada Hargeysa.

Maayar ku xigeenka Magaalada Hargeysa Khadar Axmed Cumar ayaa waxa uu sheegay in waajibaadka Golaha Deegaanka tahay in dadka laga ka badbaadiyo khataraha jira,waxaaana uu intaasi ku daray in dadkan Khatar ugu jireen biyaha daadka dhaamka.

Khadar Axmed Cumar oo ka hadlayay dadkan lagaga agagaarka Dhaamka daami.Waxa uu yidhi”Dadkii ku xeersanaa Dhaamka daami dadkaas oo khatar ugu jiray biyaha daadka Dhaamka,waxaana ka koobanyihiin boqol qoys oo dhul ay siisay dawlada Hoose ee Hargeysa. waxaana loo diyaariyay goobihii wax barashada iyo Caafimaadka waxaana aan u mahadnaqayaa cid kasta oo nagala qaybqaadatay oo kala ah Ciidamada qaranka Ciidamada damdamiska Caasimadda Ciidamada Booliska iyo Hay,ada Barakacayaasha qaranka oo qayb ka ah rarista dadkan.waajibaadka saaran Dawlada hoose waxa weeye in dadkooda ka badbaadiyaan khataraha jira,waxaana Golaha Deegaanka ee Hargeysa go,aan ku gaadheen in dad kan halkan laga raro.waxaana guuli inoo wada ah in hawshan si wada jira u wada qabanay,waxaana weeye masuuliyadda Dawlada hoose oo shacabka ay ka warhayso waxaana laga rari doonaa Magaalada Hargeysa dadka dagan meelaha cidhiidhiga,”.

 

Leave a Reply