Machadka Shaqaalaha Dawladda oo Laan ka Furanaya Burco

0
131

Hargeysa (Dawan) Kulan ka qabsoomay xafiiska guddoomiyaha gobolka Togdheer oo ay ka soo qaybgaleen agaasimaha xarunta gobollada bari ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda, xoghayaha gobolka Togdheer iyo isuduwayaasha gobolka Togdheer, ayaa lagaga wada hadlay machadka shaqaalaha dowladda oo laan ka furanaya gobolka Togdheer.

Laanta uu Machadka Shaqaalaha Dawladda ka furanayo magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa fursad siinaysa dhammaanba shaqaalaha dowladda ee gobollada bariga Somaliland, taasi oo ah furitaanka wax-barashada jaamacadda heerka koobaad (Bachelor Degree) oo uu Mac’hadku ka bilaabi doono xaruntiisa Burco.

Laantan ayaa xarunteeda laga furay ka soo horjeedka madaxtooyada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

 

 

 

 

Leave a Reply