Wasiirka Daakhiliga oo la Kulmay Xildhibaannada lix Degmo

0
164

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada Lix degmo Doorasho oo Goleyaasha Degaanka ah.

Wasiirka iyo Xildhibaanada ayaa ka wada hadlay wada shaqaynta Goleyaasha Degaanka iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha, Nabadgelyada oo laga wada shaqeeyo iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Kulamo ayaa maalmihii u danbeeyay magaalada Hargeysa uga socday qaar ka mida xildhibaanada xil degma doorasho, sidii loogu furilahaa ama wasaaradda arrimaha guduhu ogolaanshiyo ugu siinlahayd in loo furo kalfadhiyada aan caadiga ahayn ee ay wax kaga baddeli karaan maamuladooda.

Xildhibaanadan ayaa la filayaa in maalinta bariya ay ka soo saari doonaan go’aan kulamadii kala danbeeyay ee ay lahaayeen toddobaadyadii la soo dhaafay.

 

 

Leave a Reply