Wasiirka Deegaanka Oo Daah-furay Shirka Daneeyeyaasha Arrimaha Deegaanka

0
125

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shalay magaaladda Hargaysa ka furtay shirka daneeyeyaasha arrimaha deegaanka.

Shirkaasi oo ah mid saddex bilood le ah ayay yeeshaan wasaaradda Deegaanka, iyo haayadaha u dhaq-dhaqaaqa arrimaha deegaanka ee ay wasaaradda wada shaqaynta leeyihiin.

Furitaanka shirkaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Maxamed C/laahi Ducaale.

Kulankaasi oo socday hal maalin waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socday haayadaha caalamiga ah, iyo ururadda maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka, iyo isbedelka cimiladda.

Waxaana shirkaasi diirrada lagu saaray waxyaabaha qabsoomay, kuwa aan qabsoomin, iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee wax ka qabashadda dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda.

Wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland oo furitaanka shirkaasi hadal ka jeedisay ayaa soo dhawaysay qabsoomidda kulankaasi, waxaanay wasiirku sharaxday qodobadda diirrada lagu saari doono shirkaasi.

Shukri Baandare, ayaa tilmaantay in waxyaabaha lagu faaqiday kulanka ay ka mid yihiin in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda Deegaanka Somaliland, iyo haayadaha iyo ururadda ka shaqeeya arrimaha deegaanka.

Waxa kaloo ay wasiirku sheegtay in sidoo kale shirkaasi lagaga wada hadlay in dib u eegis lagu sameeyo waxyaabihii qabsoomay, kuwa aan qabsoomin, iyo caqabadaha jira.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayayna waxay tidhi “Maadaama aad tihiin daneeyeyaasha deegaanka, waxaynu doonaynaa in aynu shirkan maanta si weyn isugu waraysano.

Afar qodob ayaan doonayaa in aan halkan idiinka sheego, kuwaasoo kala ah.

In aynu xoojino wada shaqaynta inaga dhexdeena ah. Si aynu uga meel gaadhno had ba wixii aynu Gacanta ku hayno.

In aynu eegno waxyaabaha inoo qabsoomay, iyo waxyaabihii caqabadda inagu noqday, muddooyinkii danbe ee aynaan shirarka isugu iman.

In aynu si wada jir ah, oo qoto dheer u wada eegno waxyaabaha sanadkan inoo qorshaysan”.

Wasiirka Deeganku waxa kaloo ay tilmaantay in qodobadda kulanka lagaga dooday ay ka mid tahay sidii loogu shaqayn lahaa, loo na daadejin lahaa siyaasadda qaran ee deegaanka.

“Waxa kaloo aan doonayaa in aynu isla eegno, siyaasadda qaranka ee Deegaanka, oo soo baxday sidii loogu shaqayn lahaa, ee aynu u daadejin lahayn, in aynu xooga saarno” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Maxamed C/laahi Ducaale, oo faah-faahin ka bixiyay u jeedadda shirkaasi ayaa tilmaamay in kulankani uu muhiim u leeyahay wasaaradda.

Waxaanu yidhi “Kulankani, waa kulan wasaaradda aad iyo aad muhiim ugu ah. Duruufo badan oo jiray awgood, wuu naga baaqday sanadkii hore. Markaa haddii aanu nahay madaxda wasaaradda Deegaanka, waxaanu isla garanay in arrintaa la dar-dar geliyo.

Kulankan maanta (shalay), waxaanu rejaynaynaa inuu noqdo mid midho dhal ah. Ugu horayn wasaaradda Deegaanka ayaa idin la wadaagi doonta barnaamijka NDP3, gaar ahaana qaybta deegaanka. Waxyaabihii wasaaradda u qabsoolay, iyo caqabadaha taagan”.

Geesta kale agaasimaha guud ayaa sheegay in Somaliland ay ka mid tahay dalalka Geeska Afrika ee ay sida weyn u dhibaataysay isbedelka cimiladu.

Sidaas darteedna ay mar walba muhiim tahay in laga wada hadlo wax ka qabashadda dhibaatadaasi, iyadoona xukuumadda Somaliland ay sanad walba dhaqaale u qoondayso wax ka qabashadda saamaynta isbedelka cimiladda.

“Somaliland waxay ka mid tahay dalalka gobolka Geeska Afrika, oo dhibaatooyin badan oo isbedelka cimiladda ahi ay ka taagan yihiin, hore na ay u soo jireen.

Sidaa darteed, waa muhiim mar walba in wax la iska waydiiyo, gaar ahaana dawladda Somaliland, oo iyadoo ay duruufo dhaqaale haystaan in ay hada na sanad walba ku dedaasho in mashaariicda xagga horumarka ee Deegaanka ay wax ugu darto.

Wasaaradu na shaqooyin badan ayay ka qabataa xagga deegaanka, kol ba intii karaankeedda ah” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

 

Leave a Reply