Farshaxankii Qiimaha Badana!

0
173

Farashaxankii caanka ah noqday qarinigii 20aad , ee lagu magacaabi jiray Pablo Ruiz Picasso kuna dhashay dalka Spein sanadkii 1925,  ayuu  Maalin uu gurigiisa ku soo noqday markii uu hawlihiisa soo dhamaystay, waxaana uu arkay iyadoo alaabtiisa u taalay ay wada jabjaban tahay iyadoo ay u cadaatay in gurigiisa uu tuug usoo dhacay.

Markii uu alaabtii wada eegay iyo waxa ka maqan Mr. Picasso aad ayuu u cadhooday ka dib markii uu ogaaday in tuugtu wax keliya ee ay xadeen tahay go’ii sariirta ugu goglaana.

 Saaxiibkii oo la joogay aya weydiiyay waxa aad muhiimka u ah ee tuugu ka qaatay ee ku cadhooday?,  Waxaana Pablo uu saaxiibkuu uu sheegay in waxa keliya ee uu qaatay uu yahay go’ii sariirta ku goglanaa. Saaxiibkii oo aad u yaabay ayaa ku celiyay hadda maxaad ilaa xadkan la cadhootay, in alaab muhiim ah uu qaatay ayaan mooday waana aan naxasanaa?

Farshaxan Pablo ayaa ugu jawaabay “ Waxaan ka cadhaysanahay in Nacasyadaasi aanay waxba ka xadin farshaxankaygii qiimaha badanaa ee goobta kasta oo guriga yaallay”.

Hadday tuug  ahaayeen maxay u baran waayeen qiimaha farashaxankayga taasi ayaa wax tari lahayd wax ka qiimo sareeyay go’ laga siisan lahaa.

Waxaana uu intaasi ku daray waxaan ka cadhaysan tuuga jaahilka ah ee nacasnimada badan. Farashaxankiisa ayaa ahaa alaabooyin aad qaali u ah oo qiima sare ka joogay dalka wakhtiga tuugtu gurigiisa usoo dhacaday. Picasso wuxu dhintay sanadkii 1973.

 

 

 

 

Leave a Reply