Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye oo ka Hadlay Qabsoomida Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga

0
155

Burco (Dawan) Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi dheere ayaa ka hadlay halka uu marayo qabanqaabada shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ka qabsoomi doona Magaalada Burco.

Axmed Cabdi dheere ayaa waxa uu sheegay in shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye socondoono 20 ilaa 21 bishan.

Axmed Cabdi dheere oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Meel wanaagsan ayay noo maraysaa Qabanqaabada Shirka 8aad Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye,waxaana uu ka furmi doonaa shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye 20 bishan.waxa aan usoo jeedinayaa xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye in ay yimaadaan ugu dambayn 19 bisha Magaalada Burco.waxaana uu shirku soconayaa 20 bisha iyo 21 bisha waxaana shuruudihii looga baahnaa soo gudbiyay saddex musharax oo u kala sharaxan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye oo kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Ilkacase Xildhibaan Cabdilaahi.musharaxa Madaxweyne waxa soo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo u sharaxan teeramkii labaad Madaxweyne iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo u sharaxan Madaxweyne ku xigeen ayaa soo gudbiyay,xisbigu Gole dhexe Guddi fulineed iyo hogaan ayuu leeyahay talooyinkiisa hore ayaa loo sii dhameeyaa Madaxweynaha Somaliland waxa uu sharcigu siinayaa in labo jeer is sharaxo”.

 

 

 

 

Leave a Reply