Xadhig ka jarka Xarunta Caafimaadka ee deegaanka Gumar ee gobolka Hawd

0
201

Qormadeena koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku soo qaadanaynaa todobaadkan, xarun Caafimaad oo wasaaradda Caafimaadka Somliland ka hirgalisay deegaanka Gumar ee gobolka Hawd oo baahi wayn u baqay in loo sameeyo xarun caafimaad oo ka haqab tirta baahida caafimaad ee deegaanka taala.

Masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka oo uu ugu horeeyo wasiirka caafimaadku ayaa xadhiga ka jaray xaruntan caafimaad ee ay ka hirgaliyeen Deegaanka Gumar

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku marayay qaar ka mid ah deegaanada gobolka hawd ayaa maanta xadhiga ka jaray xarun Caafimaad oo lagu soo kordhiyay deeganka Gumar ee gobolka Hawd.

Waftigan oo ujeedadiisu ahayd u kuur gelida habsami u socodka hawlaha Caafimaadka ee gobolka hawd iyo xadhiga ka jarka xarumo Caafimaad oo lagu soo kordhiyay deegaano ka tirsan gobolka hawd ayaa waxaa ku wehelinayay ayaa waxaa wasiirka wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Cabdiqaadir Iiman Warsame, Wasir-ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaaddka Mudane Liiban Yuusuf Cismaan gaaxnuug, badhasaabka gobolka hawd, Maayirka dagmada Baligubadle, iyo isuduwaha Cafimaadka ee gobolka Hawd.

ugu horayn waxa madasha xadhiga lagaga jarayay hadalo kala duwan ka jeediyay masuuliyiinta goobjooga ahaa iyagoo dhamaantood iska daba maray muhiimada ay leedahay xaruntan caafimaad, iyagoo hoosta ka wada xariiqay la hirgeliyay xarutan goor loo baahnaa qaybna ka noqon doonto daboolida baahida caafimaad ee ka jirtay dagmada gumar.

Wasirku Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Wasirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo sidoo kale hadalo kala duwan ka jeediyay madasha ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay helida adeeg Caafimaad, iayagoo xusay inay ka Wasaaradda ahaan marwalba diyaari yihiin inay adeegyadda Caafimaadka gaadhsiiyaan dhamaan goboladda iyo dagmooyinka dalka, tana ay qayb ka tahay uun dadaalada ay Wasaaraddu wado, bulshadana kula dardaarmay la shaqeeyan shaqaalaha Caafimaadka ee ka shaqayndoona xaruntan caafimaad.

 

 

 

 

 

Leave a Reply