Xeeladaha Lagaga Baxsado Denbiyada!

0
304

Booliiska Ingiriiska ayaa xidhay tuug laba sano ku khiyaamaynayay dawladda inuu ku jiray kooma. Tuugan ayaa ka dhacay dad jaarkiisa ah lacag dhan 70 kun oo Doller.

Waxaana uu muddo iska dhigayay inuu ku jiro kooma. Mid ka mid ah kamaradaha suuqa ayaa sawir ka qaaday isagoo suuqa wareegaya.  Ninkan oo la yidhaa Kueneman Alan oo 47 sano jir ah ayay dad taageerayaal u ahi u mudaharaadeen iyagoo sheegaya inuu qabo xanuunka faaliga oo aan loo baahnayn in maxkamada la soo taago.

 

Qoyskiisa ayaa iyana isku deyay inay kala baxsadaan maxkamada iyagoo sheegay in aanu jjdhkiisu dhaqaaq badan samayn, una baahan yahay inuu ogsiinjinta quraarad ku sito intuu nool yahay. Ninkan ayaa maxkamada la keenay waxaana uu wakhtigaasi watay gaadhiga curyaamiinta si loo muujiyo inuu yahay naafo. Maxkamada ayaa iyana soo bandhigtay cajalado Vedio ah oo muujinaya isagoo todobaadyo ka hor gaadhigiisa wata suuqyada qaarkood.

 

Leave a Reply