Duqa Caasimada oo Xadhiga ka Jaray Dhismeyaal Lagu Kordhiyay Xafiisyada Degmada Dacarta

0
185

Hargeysa (Dawan) Duqa caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa  Shalay xadhiga ka jaray xafiisyo cusub oo loogu adeegi doono bulshaweynta degmada Dacarta ee gobolka Maroodi-jeex.

Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu sheegay in ay ugu tallo galeen xafiisyadan in guddoomiyaha degmadu uu bulshada ugu adeego isla markaana uu ku ururiyo cashuurta muwaadiniinta ku waajibtay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhismahan ay maanta xadhiga ka jareen uu ka kooban yahay saddex qol, waxaanu xusay in cashuurta muwaadiininta laga hirgeliyay, waxaanu ka codsaday inay xil iska saaraan ilaalinta dhismahani.

 

Geesta kale maamulka iyo dadweynaha ku nool degmada Dacarta iyo degaanada hoos yimaada, ayaa masuuliyiinta dowladda oo ugu horreeyo maayirku uga mahadnaqay hirgelinta xafiisyada maanta la daahfuray oo ay sheegeen in ay baahiweyn u qabeen, waxaanay intaas ku dareen inay ilaalin doonaan.

 

Leave a Reply