Laba jimicsi oo aad qolkaaga ku samayn karto oo hoos u dhigi kara dhiigkarka

0
218

Sida ay sheegtay daraasad cusub labada jimicsi ee kala ‘plank’ iyo ‘squats’ ayaa ah kuwa jirka adkeeya sidoo kalana hoos u dhiga dhiig karka.

Sida ay sheegeyso daraasadaan oo uu daabacay joornaalka daawooyinka ciyaaraha ee Ingririiska, horay waxaa loo ogaa in la sameeyo jimicsiyo ay kamid yihiin lugta, orodka iyo baaskiil wadista, balse arrinkaas hadda loo baahan yahay in wax laga badalo, sida ay qabto daraasaddu.

Daraasadda oo lagu sameeyay 16 kunoo ruux ayaa sheegaysa in dhamaan jimicsiyada door fiican ka qaataan hoos u dhigidda cadaadiska dhiigga.

Balse labada jimicsi ee ah (xusulada iyo faraha cagta oo dhulka la dhigo, calooshana kor loo hayo) iyo squats (Inaad fariisato adiga oo darbi dhabarka ku haya oo aan salka dhulka dhigin) in ay yihiin kuwa aad muhiim ugu ah dhiigkarka.

Labadaan jimicsi oo ah kuwa ay murquhu kala jiidmayaan adiga oo aan dhaqdhaqaaq samayn ayaa ah kuwa lagu adkeeyo jirka.

Jimicsiga plank ayaa ah mid si gooni ah u adkeeya caloosha.

XIGASHADA IMAGES

Dhaqtar wax ka sameeyay daraasaddaan oo lagu magacaabo Dr Jamie O’Driscoll ayaa sheegay in jimicsigaan oo laba daqiiqo la isku dhajiyo laba daqiiqo kadibna la sii daayo uu keenayo in dhiigu si habsami leh u qulqulayo.

Dhiig karka ayaa cadaadis saara xididada dhiigga, wadnaha iyo xubno kalaba, taas oo keenta halis ah in wadno xanuun ama qalal.

Qaab caafimaad ku salaysan ayaa loo daweeya bukaanada qaba dhiigkarka inkasta oo lagula taliyo inay cunaan cunto caafimaad leh, ayna iska yareeyaan maandooriyaha, sigaarka sidoo kalana ay si joogto ah u jimicsadaan ayaa lagula taliyaa.

Dadka ay da’doodu ka sareyso 40 ka yaa lagu taliyaa in ay shanti sanaba mar fiiriyaan caafimaadkooda.

Daraasad hore: Dadka Afrikaanka ah oo 46% dhiigkar qaba

Cilmi baaris ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba afartan iyo lix dadka Afrikaanka ah ay qabaan dhiigkar heerkiisu aad u sareeyo, arrintaas oo keenaysa in qaaraddu ay kaalinta koobaad ka gasho caalamka oo dhan.

Cilmi baaristu waxay sheegtay in habka aan caafimaadka waafaqsanayn ee loo nool yahay ay ka dhigan tahay in dadka Afrikaanka ah ee u dhimanaya xanuunnada halista ah ay ka badnaan doonaan kuwa u dhimanaya xanuunada lakala qaado marka la gaaro sanadka 2030-ka.

Soosaaraha warbixintan ayaa sheegay in arrintan la ogaaday ay tahay wax la yaableh maadaama uusan filaynin in uu arrintaas oo kale arko mudo tobanaan sano ah.

Magaalooyinka ay dadku ku soo badanayaan, cuntooyinka aan caafimaadka u wanaagsanayd, khamrida sida xad dhaafka ah loo cabo iyo jimicsi la’aan ayaa lagu sababeeyay dhibaatadan.

 

Leave a Reply