Shirweynaha 8-Aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Burco ka Furmay

0
230

Burco-(Dawan)-Shirweynaha 8-aad ee golalaha dhex ee Xisbiga KULMIYE,ayaa shalay ka furmay xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

 

Shirka golaha dhexe ee Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE oo uu furay Madaxweynaha Somaliland,ayay ka soo qayb galeen   Hoggaanka Xisbiga KULMIYE  OO UU UGU HORREEYO Madaxweynaha Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Bixi Cabdi,hoggaanka Xisbiga gudida fulinta dhammaan Xubnaha golaha dhexe iyo  xubhana Xisbiga ee dibedda ku dhaqan oo shirka golaha dhexe ee Xisbiga lagu soo casuumay.

 

Xoghayaha  guud ee xsibiga KULMIYE, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar,oo xubnaha golaha dhexe ee kulanka ku sugnaa ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay shirka uga soo qaybgaleen.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa isaguna dhankiisa ka xog-warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu xisbigu soo maray, horumarka uu sameeyey iyo sida uu maanta u noqday xisbi gaamuray, jid Dimuqraaddi ah hoggaankiisu isu beddelo dalkana kusoo hoggaamiyey dariiq lagu aflaxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirweynaha Daah-furay, ayaa ugu horrayn si qoto dheer u sharraxay heerarkii uu kala duwanaa ee uu xisbiga KULMIYE soo maray iyo horumarka uu dalka ka hirgeliyey muddadii uu hoggaanka dalka hayey, waxana uu hoosta ka xarriiqay in hiigsiga dheer ee xisbigu yahay inuu dalka dhiso isaguna noqdo xisbi muddo dheer sii jira oo jiilal kala kuwani iska dhaxlaan.

Khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa oo uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi madasha ka jeediyey ayuu kaga hadlay arrimo door ah oo salka ku haya sida uu xisbigu u yahay mid Dimuqraaddi ah oo hoggaankiisa la isugu beddelo hab Dimuqraaddi

 

Shirka golaha dhexe ee 8-aad ee Xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye,ayaa manta lagu dooranayaa Guddoomiyaha Xisniga iyo Ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga.

 

 

 

 

Leave a Reply