Doorashooyinka sidii Komishanku u Qorsheeyeen Aniguna aan Digreetada ku soo Saaray’ayaa lagu Soconayaa.” Madaxweynaha Somaliland

0
211

𝗕urco(Dawan):-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa sheegay in doorashooyinka Somaliland ay ku soconayaan sidii  komishanka Doorashooyinku  soo saareen isla markaana Madaxweynuhuna digeetada ku meel mariyay ee u uku saxeexay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay guulaha muuqda ee Xukuumadaha ka dhashay Xisbiga Kulmiye ee ee kala dambeeya guulaa iyo horumarka cad ee ay dalka gaadhsiiyeen mudada ay xilka hayeen isla markaana ay diyaar u yihiin in ay halkaa ka sii wadaan oo ay u adeegaan umadda  Somaliland ee xilkooda  ku aammintay.

 

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi oo shalay Burco ka furay shirweynaha golaha dhexe ee 8-aad ee Xisbi xaakulmka Somaliland ee KULMIYE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirweynaha Daah-furay, ayaa ugu horrayn si qoto dheer u sharraxay heerarkii uu kala duwanaa ee uu xisbiga KULMIYE soo maray iyo horumarka uu dalka ka hirgeliyey muddadii uu hoggaanka dalka hayey, waxana uu hoosta ka xarriiqay in hiigsiga dheer ee xisbigu yahay inuu dalka dhiso isaguna noqdo xisbi muddo dheer sii jira oo jiilal kala Duwani iska dhaxlaan.

Khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa oo uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi madasha ka jeediyey ayuu kaga hadlay arrimo door ah oo salka ku haya sida uu xisbigu u yahay mid Dimuqraaddi ah oo hoggaankiisa la isugu beddelo hab Dimuqraaddi ah

Waxaanu yidhi.“Xisbiga Kulmiye waa xisbi dimuqraadi ah oo ruug caddaaya. Waa xisbiga kali ah ee talada dalka qabtay laba jeer oo lagu soo doortay doorashooyin xor iyo xalaal ah sidaasna ay dalka Madaxweynayaal uga noqdeen labadii Guddoomiye Xisbi. Waa Xisbi dhexdiisa ay ka jirto dimuqraaddiyad, hoggaankiisa Sarena lagu soo doorto hab dimuqraadi ah oo gacan taag ah. Waxa aynu Shirkan Golaha Dhexe ku dooran doonaa Guddoomiyihii Saddexaad iyo Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye.”

Madaxweynuhu waxa uu bulshada u caddeeyey in xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE ay waqti badan gelisay sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, muddadii ay hoggaanka dalka hayeen hirgeliyeen horumar ballaadhan oo ay bulshadu intifaacsanayso ilaa maanta.

Dhinaca kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in dalka lagu hagayo shuruucda iyo qaanuunka bulshadu dhigatay, meelna aanay uga bannaanayn fadqalallo iyo cid doonaysa inay qori caaradii wax ku doonaysa.

Waxaanu yidhi,“Doorashooyinka waxa aynu u raacaynaa sida sharcigu dhigaayo, haddii sharciga laga leexdana dalku socon maayo. Dimuqraaddiyadda waa markaygii ee halla ii dhiibo oo maaha Baaskiil yar oo ciyaalku kaxaystaan, mana jirto wallaahi haddii markayga la i siin waayo xabbad baan wax ku qaadanayaa, taasna rag hore  wax ku waayey oo qaranku taas kuma heshiin, dastuurkeennuna ma jidaynin oo Af waayeel ma aha.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu caddeeyey in doorashooyinka loo raacayo qaabkii ay komishanka doorashooyinku jadwalka usoo saareen, isaguna uu wareegtada kusoo saaray.

Waxaanu yidhi. “Doorashooyinku sidii ay guddida doorashooyinku muddeeyeen, aniguna aan saxeexay bay ku soconayaan, waana waddada qudha ee amni, dimuqraaddiyad iyo xasillooni lagu gaadhayo,”.

Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa maalinta berri ah soo xidhmi doona, waxana lagu wadaa in lagu doorto murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga iyo guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply