Wasaaradda Deegaanka oo ku Hawlan wax ka Qabashadda Denbiyadda loo Gaysto Duur Joogta

0
167

Somaliland ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay wadamadda Geeska Afrika, ee ay ka dhacaan ugaadhsiga, iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta.

 

Si dhibaatadaas wax looga qabto wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa ku dedaalaysa sidii wax looga qaban lahaa danbiyadda lagula kaco duur joogta.

 

Iyadoo denbiyadda laga gallo xayawaanka lagu dabaqayo shuruucda u taalla wadanka, isla markaana la waafajinayo shuruuda caalamka u yaalla.

 

Waxaana arrintaasi wasaaradda kala shaqaynaya xeer ilaalinta Somaliland, jaacadaha Hargeisa, iyo jaamacadda Colorado ee dalka Maraykanka oo ka caawinaysa dhimaca cilmi baadhista.

 

Sidoo kale waxaa barnaamijkaasi ka qayb qaadanaya oo jaamacadda Colorado kala shaqaynaya ama ay la kaashatay haayadahaFisha and Wild Lige Agency, iyo Special Wild Lige Agency, oo ka shaqeeya arrimaha daryeelka duur joogta.

 

Jadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa tababar arrintaasi la xidhiidha oo ay wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda JSL 14-kii bishan August, ka furtay xarunta jaamacadda Hargaysa.

 

Waxaanu tababarkaasi ku saabsanaa ama lagaga hadlayay denbiyadda laga gallo duur joogta, iyo sidii  la iskaga kaashan lahaa wax ka qabashadda arrintaasi.

 

 

Tababarkaasi oo socday muddo sideed maalmood ah, waxaa qabashadiisa iska kaashaday wasaaradda Deegaanka Somaliland, Maxkamadda sare ee JSL, iyo jaamacadda Colorado ee dalka Maraykanka.

 

 

Iyadoona tababarkani loo qabtay oo ka qayb qaatay isu-duweyaasha wasaaradda Deegaanka ee goboladda dalka, xubno ka socday bahda cadaaladda ee JSL, booliska gaar ahaana denbi baadheyaasha, iyo masuuliyiin ka socday jaamacadda Hargaysa.

 

 

Wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo furitaanka tababarkaasi hadal la jeedisay ayaa ka warantay u jeedada tababarkaasi, iyo xubnaha ka qayb galay.

 

Waxaanay tidhi “Tababarkani waxaa naga taageertay jaamacadda Colorado University ee dalka Maraykanka, iyagoo la kaashanaya US Fisha and Wild Lige Agency, iyo Special Wild Lige Agency. Waxa kaloo inala jooga khubarro ka yimid dalka Uganda”.

 

Sidoo kale wasiirka ayaa faah-faahin ka bixisay tababarkaasi iyo waxyaabihii lagu bartay, “Tababarkani waxaa lagu baran doonaa, ama ay cilmi baadhistani tahay, sidii looga wada shaqayn lahaa denbiyadda laga gallo duur joogta. Sidii la iskaga kaashan lahaa, wasaaradda Deegaanka, iyo bahda garsoorka oo dhan, iyo jaamacadaha oo iyaguna nagala shaqayn doona cilmi baadhista” ayay tidhi wasiirka deegaanka Somaliland.

 

 

Shurki Baandare, ayaa sharaxday qaabka la iskaga kaashanayo ama looga wada shaqaynayo wax ka qabashadda denbiyadda lagula kaco duur joogta.

 

“Sida aynu isaga kaashanaynaa, waa sidii aynu markii horeba u wada shaqayn jirnay, oo aynu waafajinayno, ama gaadhsiinayno heerka caalamiga ah. Iyadoo denbiyadda laga gallo xayawaanka lagu dabaqayo shuruucda u taalla wadanka, isla markaana la waafajinayo shuruuda caalamka u taalla” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

 

Wasiirka Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa si weyn ugu mahad celisay ciidamadda booliska, oo ay ku amaantay sida deg deg ah ay ugu soo jawaabaan marka ay uga baahdaan in la soo qabto dadka sida sharci darrada ah uga ganacsadda duur joogta.

 

Waxaanay tidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa ciidamadda booliska, oo wakhti kasta, iyo saacad kasta, oo aanu u baahano si deg deg ah noo soo gaadha, si gaar ah ayaan ugu mahad celinayaa, iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha, labadaasi oo is huwan.

 

Waxa kaloo aan u mahad naqayaa oo ku xigga, xeer ilaalinta, oo marka qofka denbiilaha ah la soo qabto waxaa la keenayaa xeer ilaalinta, hada na waxay imanaysaa gar-soorka, ama maxkamadaha”.

 

Geesta kale Cali Suudi, oo ah guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka JSL oo isna furitaanka tababarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xeerka ilaalinta duur joogta uu yahay mid loo baahnaa.

 

 

“Xeerka ilaalinta duur joogta JSL, waa xeer loo baahnaa, cidda bixinaysa tababarkanina waa bahdii gar-soorka. Doorka ay ku leeyihiin gar-soorkuna waa in ay dabaqaan xeerka ilaalinta duur joogta. Waayo? Waxaa dhaca denbiyo fara badan oo loo gaysto duur joogta.

 

Dadka denbiyadaa galla, cidda wax ku cadaadaan, waa la xukumaa. Duur joogta, iyo guud ahaanba deegaanka, waxaa lagu ilaalin karaa waa iskaashi” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka JSL.

 

 

Waxa kaloo isna kulankaasi hadal ka jeediyay C/raxmaan Iid Maxamed, oo ka tirsan xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex,

 

 

“Duur joogta, iyo xayawaanka kale ee wadankeena ku nooli, waa qayb ka mid ah deegaanka, isla markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo. Taasoo ah in shuruucda ilaalinta duur joogta lagu ilaalinayo” ayuu yidhi C/raxmaan Iid Maxamed.

 

 

Dhinaca kale masuuliyiin ka socday jaamacadda Hargaysa, oo iyagna furitaanka kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay sidii looga wada shaqayn lahaa ilaalinta duur joogta.

 

Waxaanay sheegeen in ay jaamacad ahaan diyaar u yihiin in ay isku xidhmaan jaamacadaha, iyo bahda gar-soorka, si ay iskaga kaashadaan wax ka qabash

Leave a Reply