Dilka gabadha toban jirka ah: Aabaheed oo baxsad ah ayaa la baadi goobayaa

0
216

Booliska Pakistan ayaa badigoob ugu jira aabaha dhalay Sarah oo ah gabadh toban jir ah oo meydkeeda laga helay guri ku yaala Ingiriiska.

Gabadha yar ayaa maydkeeda la helay tobankii bishan aan ku jirno ee August.

Booliska ayaa sheegay inay la hadleen ninka la baadi goobayo walaalkiis oo lagu magacaabo irfan Shriif, oo ay wada degenaayeen.

Booliska ayaa sheegay  in la waydiistay soo qabashada ninkaas balse aanay wali gacanta ku dhigin.

Maalin ka hor intaan a helin maydka gabadha yar ayaa rag ay asxaab ahaayeen ninkaas oo lagu kala magacaab Benish Batul iyo walaalkiis oo la yidhaahdo Faisal Malik waxay isaga tageen Ingiriiska iyaga oo tegay Pakistan.

Dhamaan booliska gobolada kala gedisan ee Pakistan ayaa lagu amray inay qayb ka noqdaan baadhitankaan, iyaga oo la xadhiidhay qaraabada ninka, kadib codsi uga yimid ha’adda baadhista qaranka dalkooda.

Ninka dhalay gabadha oo ah 41 jir iyo saaxiibadiis Benish batul iyo Faisal Malik ayaa la sheegay inay waceen lambarka gaaban ee booliska Ingiriiska ee 999 kadib marka ay ka soo dhamaadeen gudaha UK ee ay gaadheen Pakistan.

Kadib wicitaanka ayaa boolisku heleen maydka gabadha yar.

XIGASHADA SAWIRKA,.

Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in dhaawacyo aad u qoto dheer ay ku yaaleen jidhka gabadha yar, ayna aaminsan yihiin in muddo ay ku yaaleen oogada gabadha.

Waxay intaas ku dareen in aanay cid kale joogin guriga markii maydka la helayay.

Booliska Seesex ee Ingiriiska ayaa yidhi: “Ilaa iyo hadda ma jirto wax caddeyn oo laga helay baadhitaankii lagu sameeyay maydka gabadha yar, kuwaas oo muujinaya sababta dhimashadeeda. Balse waxaa la ogsoon yahay Sarah in ay ku yaaleen dhaawacyo daran. Waxaan badalnay qaabka baadhitaankeena, sidoo kale waxaan dheereyneynaa waqtiga.”

Hay’adaha amniga ee kala duwan ee Ingiriiska ayaa baaritaan kuwada dhacdadaan, iyaga oo xiriir joogto ah la sameynaya masuuiyiinta Pakistan.

Khamiistii aynu soo dhaafnay ayaa ubaxyo la hordhigay guriga ya deganeed Sarah, waxaa kamid ahaa xirmo ubax ah oo ay raacsaneyd farrin lagu qoray afka Plish ka taas oo loo maleynayo inuu ka yimid hooyada Sarah.

Fariinta ayaa u turjuneyda,: “Si macaan u hurud gabadheydii aan jeclaa. Hadda waxaa tahay maa’ig janada ku dhex jirta dusha sarena naga daawaneyda. Waan ku jeclahay hooyo.”

Booliska Surrey iyo Sussex saraakiisha k atirsan ayaa sheegay inay baadi goobayaan dad ku lug leh kiiska.

Sidoo kale hay’adda dabiyada qarana ayaa iyana sheegtay inay booliska kala shaqaynayaan sidii ay u baari lahaayeen arrintan

 

 

Leave a Reply