Waxa Lagu Tartamaya Hogaanka Caalamka!

0
269

Waxa jira dhacdooyin badan oo naxdin leh oo ka dhacaya meelo ka mid ah dunida kuwaasi oo ah in la tirtirayo lana baabiinayo Aadamiga. Hubka loo samaystay in lagu cidhibtiro aadamiga gebi ahaantiis ayaa kala duwan kuwaasi oo ay dhaqaale badan ku bixiyaan dawladaha qaarkood. Waxa wakhtigan miisaaniyad badan lagu bixiyaa samaynta hubka halista ee biology-ga kaasi oo xadaaradda dunida gebi ahaaba baabiinaya.

Farsamadani waa samaynta Virus ama Bacteriya halis ah taasi oo aan ku koobnaan doonin goobaha loo isticmaalo laakiin tarmaysa oo faafaysa, isla markaana haleelaysa cunaha qofka, wakhti yar ka dibna uu u dhimanayo isagoo aan neefsan Karin.

Waxaana magiciisa kale loo yaqaan  Viruska Cunaha.  Inkastoo ay arrinkan ay ku sheegayaan horumarka technoolagiyada, haddana waxa aan fogayn wakhti uu dhici karo dagaalka hubka biology-ga. Waxaana samaynta hubka kala duwan ee halista sababa iyadoo uu yahay ganacsi laga xoogsado iyo cabsi iyo tartan loogu jiro hogaaminta dunida.

 

Leave a Reply