Isu-duwaha Gobolka Gabiley oo soo Gunaanaday tababar loo Qabtay Beeraleyda Gobolkaasi

0
210

Gabiley (Dawan) Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Beeraha JSL ee gobolka Gabiley Cabdiraxmaan Axmed Cabdillaahi (Jeex), ayaa tababbar u soo xidhay qaar ka mid ah Beeralayda Gobolka Gabiley.

Tababbarkan oo lagu qabtay Xarunta Siidhka ee Wasaaradda Beeruhu ku leedahay deegaanka Galooley ee bariga Gabiley, ayaa waxa iska kaashaday xafiiska wasaaradda Beeraha ee gobolka Gabiley iyo hay’adda HAVOYOCO oo xidhiidh wada-shaqayneed ka dhexeeyo wasaaradda Beeraha.

Tababbarka oo muddadii uu socday lagu baray Beeralayda hababka ugu habboon ee kobcinta Wax-soo-saarka, ayaa waxa gaba-gabadii soo xidhay Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Beeraha ee gobolka Gabiley Cabdiraxmaan Axmed Cabdillaahi (Jeex) iyo xubno ka socday hay’adda HAVOYOCO.

Isu-duwaha iyo madaxda HAVOYOCO oo halkaa ka hadlay, ayaa Beeralayda tababbarka la siiyey ku dhiirigeliyey in dedaalkooda Wax-soo-saarka ay ku dabaqaan aqoontii ay ka heleen tababbarka muddada u socday.

Sidoo kale, wuxuu Isu-duwuhu u soo jeediyey Beeralayda la tababbaray in aqoontii ay korodhsadeen u gudbiyaan Beeralayda kale ee aan nasiibka u helin tababbarkan.

Gaba-gabadii, Isu-duwe Jeex wuxuu u mahad celiyey hay’adda HAVOYOCO ee ay tababbarkan iska kaashadeen, isaga oo sheegay inaan tababbarradu ku koobnaan doonin ka uu soo xidhay, balse ay qaban doonaan kuwo kale oo ay ka faa’idaystaan Beeralayda Gobolka Gabiley.

Tababbarkan uu soo gebogabeeyay Isku-duwaha Gabiley, ayaa qayb ka ah siyaasadda guud ee Wasaaradda Beeruhu kor ugu qaadayso aqoonta Beeralayda dalka, si wax-soo-saarku u kordho.

 

 

 

Leave a Reply