Guurtida oo Shaacisay inay Ergo u Dirayaan Shaqaaqada Ceel Afweyn

0
141

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somalialnd Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa shaaca ka qaaday in ay ka shirguddoon ahaan guddi u saareen xalinta dirirta ku dhexmartay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag beelaha walaalaha ah ee halkaasi wada dega iyo dejinta ciimada Qaranka ee degmada Oog oo xukuumadda iyo golayaasha Qaranku hawsha ku jiraan.

Guddoomiyaha golaha guurtida ayaa ku adkeeyay bulshada ku nool degaanka Ceel Afweyn inay nabada qaataan colaadana joojiyaan, isla markaana guurtida iyo guddida dhex dhexaadintana aqbalaan.

Waxaanu sidan ka sheegay kulan ay goobjoog ka ahaayeen guddidi golaha guurtidu u saaray xal u helista jabhada gashay Buurta Gacan-libaax.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in dejinta Ciidamada Qaranka ee degaanka Oog ay u dirayaan guddi kala qaybgasha.

Waxaanu yidhi.“Ciidamada Qaranka hadda dajintoodii ayaa laga wada Oog, wasiiro iyo golihii kale iyo odayaalba way marayaan, haddii ALLE yidhaahda waanu kala qaybgalaynaa, wefti ayaanu iyagana u diraynaa, waynu u qaybsami karnaa labada howlood, wixii kale ee baaqanayaaba ha baaqdee, waxa aynu ka fuudhyeelaynaa labadaasi arrimood maanta, ILLAAHEYNA haynagu gargaaro,”

Guddoomiyuhu ayaa isaga oo ka wakiillada golaha, waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay degmada Ceel Afweyn.

Waxaanu yidhi.“Shir-guddoonka golaha guurtidu isaga oo afka golaha ku hadlaya waxa uu baaq nabadeed u diraya beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya degmada Ceel Afweyn.

Waxa aanu beelahaasi ka codsanayna inay xabadana joojiyaan nabadana qaataan, beelo maanta iyagu isu muuqda Qarankani uma baahna, intiisa kale ayaa ku filan.

Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi.“Dhibaatada guud ee maanta dhacday ee Qaranka soo gaadhay baa ku filan, taasi ayaynu xal iyo is-afgarasho, horumar iyo wanaag ku gaadhno, taasi ayaad nagala qayb galaysaan beelihiinaasi, uma baahnin docfaruur laba reer oo iyagu isu muuqday Qaran ma daweyso, Qaranka u tudha oo Qaran weyne u tudha, oo noo tudha haddii aanu nahay reer Somaliland.

Noo tudha nabada qaata, xabada joojiya hadadan hala joojiyo, waa isugu kiin imaneyna nabada waanu ka qayb galaynaa, gardarana loo dulqaadan maayo, ciday doonto haka timaado, balse aan isla gaadhno maxaa gardarro ah ee maanta dhacay, qaata talada, deg degna waa la idiinku imanayaa, waftigii golaha guurtida ee heer Qaran ayaa idiin imanaya, haddii uu ugu bato laba cisho ayuu idinka maqan yahay, soo dhaweeya, nabad nasiiya tolow, nabadbaanu idinka rabbnaa.”

 

Leave a Reply