Xikmadaha Quluubta Bugta!

0
314

Quluubta Bugta!

  • Nebi Nuux (cs) mar keliya ayuu u dhowaaqay xayawaanada oo dhan, way aqbaleen oo ay doonidii wada koreen, Isagoo 950 sano uu baaqayay Aadamiga, oo iyaguna ay diideen oo ay doorteen halaaga qaraqa.  Dareenka fiican ayaa ka wanaagsan quluubta Bugta.
  • Wiilkii uu Dhalay Nebi Nuux (cs) waxa uu go’aansaday in aanu bedelin gaalnimadiisa, isagoo ku soo koray guriga Nebiga daaciga ah ee Nuux (cs), Gabadhii Fircoon waxay go’aansatay inay rumayso Nebi Muuse (cs) iyadoo ku noolayd guriga Daaqiga ugu weyn ee Fircoon oo Ilaahnimo sheegtay.
  • Duruuftu cudurdaar kuuma noqonayso, waa adiga ka dooranaya toosnaanta.
  • Haku adkayn naftaada cibaadada, ku dheganow sunnaha iyo dhex dhexaadnimada.

Araga oo la sii daayaa wuxuu ku dhaxal siiyaa Hammi, Qammi iyo dhaawac uu qalbiga ku reebo. Ka wanaagsani waa ka indhihiisa laaba, Allah (sw) ka cabsaday. 

Leave a Reply