Bulshadda Waxaanu ka Codsanaynaa in ay Jidka Qaybtoodii Qurxinta iyo Dhiraynta Ahayd Raaciyaan

0
144

Ceerigaabo (Dawan): Dawladda hoose ee dgmada Ceerigaabo, oo maalmahan ba ku hawlanayd hirgelinta Waddooyin cusub ayaa shalay bilawday dhismaha Waddo cusub oo Laami ah.

Jidkan cusub oo ku yaalla xaafaddo suuqa 7-aad loo yaqaano ee magaaladda Ceerigaabo, kaasoo oo ah suuq muhiimad weyn u leh magaaladda.

Suuqaasi ayaa loo arkaa mid qadiim u ah isku socodka bulshadda, iyo gaadiidka ee gudaha magaaladda, isla markaana wuxuu ka mid ah meelihii ay magaaladu ka aasaasantay bilawgii magaalaynta.

Sida uu sheegay Eng. C/raxmaan Cismaan, oo ah Injiineerka gacanta ku haya dhismaha jidkaasi oo ka warbixinayay Waddadan cusub ee ay bilaabeen.

Waxaanu tilmaamay Eng. C/raxmaan, in jidkani uu qayb ka yahay Waddo dhererkeedu dhan yahay 3KM oo ay qorshaysay dawladda hoose ee Ceerigaabo in ay sanadkan gudaha magaaladda ka hirgeliso.

“Maanta (shalay), waxaanu bilawnay dhismaha mid ka mid ah Waddooyinka ay qorshaysay dawladda hoose ee Ceerigaabo, in ay sanadkan 2023-ka magaaladda ka hirgeliso. Iyadoo qorshuhu ahaa in ay magaaladda ka dhisto Waddo dhererkeedu dhan yahay 3KM. Kuwaasoo ay ku jirtay Waddadan” ayuu yidhi Injiineerku.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Imika na 3-dii KM qayb ka mid ah ayaanu ku jirnaa, oo suuqa 7aad (street 7) ah, oo maalintii labaad dhismaheedu socdo. Waxaana hadhaysa qiyaastii 1KM oo kale.

1-ka KM ee dhismihiisu hadhay na si dhakhso ah ayaa loo bilaabi doonaa. Waxaanay ka mid tahay qorsheyaasha dawladda hoose ee Ceerigaabo, ay sanadkan 2023-ka Waddooyinka kaga hirgelinayso magaaladda”.

Eng. C/raxmaan Cismaan, waxa kaloo uu sheegay in jidkani uu yahay mid hal-bawle ah, isla markaana isticmaalkiisu ay muhiim u tahay bulshadda magaaladda Ceerigaabo.

Waxaanu yidhi “Waddadani-na waa Waddo hal-bawle ah. Waana suuqii magaaladda, waana meel ka mid ah meelihii ay magaaladu ka bilaabantay.

Geesta kale Eng. C/raxmaan, waxa uu fariin u diray bulshadda ku nool magaaladda Ceerigaabo, oo uu ugu baaqay in ay iyagu na qaybtoodda ka qaataan qurxinta, iyo kor u qaadista jilicda magaaladda.

“Bulshadda Waddooyinka loo samaynayo, iyaga na waxaanu ka codsanaynaa in ay jidka qaybtoodii qurxinta ahayd raaciyaan. Hadday tahay guryahoodda hortoodda in ay qurxiyaan, hadday Mar-mar dhigayaan, iyo haddii ay dhir ku beerayaan ba.

Dawladda hoose inteedii way qabataye, intii bulshadda ayaa dhiman. Bulshada na waxaan leenahay idinkuna intiina qabta” ayuu yidhi Eng. C/raxmaan Cismaan.

 

Leave a Reply